Sheekh Xasan Iyo Dhul-boobkii Yabareeda (Jid-Waaq)

0
Wednesday January 25, 2023 - 10:41:00 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 752
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Xasan Iyo Dhul-boobkii Yabareeda (Jid-Waaq)

    Sheekhu, Axmaaro-kalkaal ay Axmaaradu ku shaqeysan jirtey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekhu, Axmaaro-kalkaal ay Axmaaradu ku shaqeysan jirtey



Yabareedu, dhul-boob uu Sheekh Xasan uu hoggaamin jirey, ayay Degmadan Harooreys iyo nawaaxigeeda ay ku soo gaadhey; oo beerihii Habar Jecle iyo beerihii Habar Awal ba ay ku qabsatey, oo ay kula wareegtey.


 

Sheekhu, Axmaaro-kalkaal ay Axmaaradu ku shaqeysan jirtey, oo Axmaaradu ay ku muraadsan jirtey, oo Axmaaradu ay aad u jeceshahay, ayuu ahaan jirey.



 

Jaceylkaas isaga iyo Axmaarada ka dhaxeyn jirey, iyo isaga oo deegaannada beesha Isaaq, si gaar ahaaneed u bar-tilmaameysan jirey aawadood, ayay guud ahaan dadka Isaaqu ay Sheekhaas iskaga ilaalin jireen; oo ay iskaga fogaan jireen.


 

Sheekhu, markii uu dareenkaas-feejignaad, ee beesha Isaaq uu ogaadey, waa bu ku sii dararey, oo waa bu ka sii darey; oo dhul-boobkii uu deegaannada Habar Jecle iyo Habar Awal uu ka wadey, ayaa bu sii laba jibbaarey, oo Axmaaradii ay is jeclaayeen, ayuu beerahoodii ku soo jiheeyey, oo beeraleydoodii iyo xoolo-dhaqatadoodii, ayuu argagax ku abuurey; oo badhkoodna wuu xidh-xidhey, badhkoodna wuu kala qaxiyey.


 

Amar-ku-taagleyntaas ay Sheekha iyo Axmaaradu ku wada socon jireen, iyo dhul-boobkii uu Sheekhu uu Yabareeda ku baraarujin jirey daraaddood, ayuu damacii-dhuleed, ee guud, ee Yabareeduna uu cirka isku sii shareerey, oo dadka inay beerahooda ku qabsadaan, oo ay ku dacweeyaan; oo ama ay ka didsadaan, ama ay ku dhex dilaan, ayaa bay bilaabeen.


 

Sababahaas uu Sheekhu ka dambeeyey, iyo dhaxal-sugihiisii, oo markii Sheekha la dilley, isaguna dariiqii aabihii uun sii qaadey, ayaa inay Yabareedu min Jigjiga ilaa Harooreys iyo degaannada ku xeeran ba, inay wada hantiyaan; oo dhammaantood wada Yabareeyaan, u sabab noqdey.


 

Haddaba Yabareedu, haddii ay muddadaas dheereyd, haddii ay Axmaar-ku-macaashad ay ahaan jirtey, oo ay gacan-sarreyn jirtey, oo dhul-boobkeedu uu u hir-gali jirey, oo damac-beereedkeedu uu u shaqeyn jirey, wallee haddeer iyo haatan, wallee gabalkeed wuu dhacey, oo dadkii deegaannadaas lahaan jirey, ee Habar Jecle iyo Habar Awal, way wada baraarugsan yihiin, oo way wada dhaarsan yihiin, oo inay deegaannadoodii ay Yabareeda ka xoreystaan, ayay haatan isku wada diyaarinayaan.


 

Alla ha u naxariisto'e, Gacma-dheere ayaa yidhi:

 

Dhaaxaad ku xawxawsateen, xoolo booliyahe

Nin walbow xusuusnow dhakhsaa, loo xisaabtamiye.

 

 

Tixgalin mudnaan badan leh.


 

Maxamed Sheekh Daahir

[email protected]

https://tashiwanaag.com/

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...