"Xalka Somaliland Waxa Uu Kujiraa Muuse Biixi Oo Is-casila Doorashana Ku Dhawaaqa" Xisbiga WADDANI

0
Wednesday January 25, 2023 - 09:46:01 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 950
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    "Xalka Somaliland Waxa Uu Kujiraa Muuse Biixi Oo Is-casila Doorashana Ku Dhawaaqa" Xisbiga WADDANI

    "waxaa si aan hore u dhicin loo toogtay rayid aan hubaysnayn"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxaa si aan hore u dhicin loo toogtay rayid aan hubaysnayn"



Hargaysa (HWN) Khadar Xuseen Cabdi oo ah Xoghayaha guud ee Waddani ayaa sheegay in xalka Somaliland ku jiro manta in uu Muuse Biixi iscasilo.

 

Waxa uu intaasi ku daray in intii Muuse xukunka hayay ay dhaceen qaladaadkii ugu waynaa iyo sidoo kale cadaalad daradii ugu balaadhnayd, sida uu ku sheegay xoghayuhu qoraalkan hoose oo uu baahiyay:-

 

"Shan Sanno oo uu Muuse Biixi xukumaayay Somaliland, waaxaa dhacay khaladaadkii siyaasadeed ee abid ugu waawaynaa iyo cadaalad daradii ugu baahsanayd.

 

Waxa uu qaatay go’aamo dhabarka ka jabiyey wixii soddon sanno la soo dhisayay, waxaa si aan hore u dhicin loo toogtay rayid aan hubaysnayn oo Laascaanood, Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo si nabadgelyo ah madaxweynaha uga codsanayey in uu shuruucda dalka dhowro, iyo in uu waajibaadkiisa qaran guto.

 

Waxaa saldhgiyada bilayska dhexdooda loogu kala abtiriyey dhalinyaro, dembiga keliya ee loo haystaa ahaa in ay sharcidarrada diideen. Waana taas dhashay inankii yaraa ee shalay ay masuuliyiinta qaranku, xabsiyada ku dhex weydiinayeen qolada uu yahay, inuu su’aalo iska weydiiyo waxa ay tahay dawladnimadu.

 

Shantaas sanno Madaxwayne Muuse waxaa laga baryayey in uu shuruucda dalka ixtiraamo, in aanu dadkiisa kala dhoweysan, in aanu shacabkiisa qaybin, in uu dhegeysto ergada dalka, dadka iyo isagaba lexejecladu ka hayso.

 

Waxa uu dhegaha ka furaystay, in dheefta iyo khayraadka qaranka uu si xaqsoor ah muwaadiniintiisa ugu qaybiyo, waxa uu miciinsaday xadhig iyo cabudhin, waxa aanu badheedh u baalmaray nidaamkii doorasho ee uu kursiga ku yimid.

 

Foolxumida cawaaqibka ka dhashay hoggaamintaas gurracani, waa taas maanta aanu dafiri karin xitaa muxaafadku. Waxaa xaqiiq noqotay in qaybsanaanta umaddu ay ka weyntahay inta indhow-garadku arkayo, waxaana ka sii xanuun badan, sida aan madaxweyne Muuse looga filayn in uu daweeyo dhibtaas  uu isagu abuuray.

 

Maanta waxaa biyo kama dhibcaan ah in daba-qabataynta Somaliland ay ku jirto keliya Muuse Biixi oo is casila, doorasho degdeg ahna ku dhawaaqa" ayuu yidhi Khadar


Loading...
Loading...