Madaxweyne Ku Baaqay In Raggu Ay Joojiyaan Basaasidda Teleefoonada Xaasaskooda
Madaxweynaha Zambia,
Hakainde Hichilema ayaa ugu baaqay ragga inay joojiyaan basaasiadda
teleefoonada xaasaskooda.
Hadalkiisa ayaa qeyb ka
ah dadaallada ku aadan sidii looga hortaggi lahaa kiisaska la xiriira furriinka
dalkaas oo sare u kacay.
Xogta la diiwaangeliyay
waxay muujineysaa in sanadkii hore oo kaliya ah kiisaska furriinka Zambia ay
gaareen in ka badan 22,000, madaxweynaha wuxuu warbixintan ku tilmaamay mid
nasiib darro ah.
"Jaceyl ayaan isku
guursannaa, iskuma guursanno in aan is furno oo aan kala tegno, iskuma
guursanno in aan is eedeyno” ayuu yiri madaxweynaha Zambia, sida laga soo
xigtay warbaahinta gudaha.
Wuxuu intaa ku daray,
"Xoriyadda waa in aad mas’uuliyad iska saarto sidii aan xoriyadda u xaddidi
laheyd ma ahan in aad farageliso xoriyadda dadka kale”.
Waxaana ugu wacan
arrimo ay kamid yihiin, khilaafka ka dhaca qoyska, aflagaadada iyo
tallaabooyinka gurucan ee ka dhex dhaca qoyska.
BBC