Turkiga Oo Hakiyay Wahadalladii Xubinnimada Sweden Iyo Finland Ee NATO
Turkiga ayaa gebi
ahaabna baajiyay shir saddex geesood ah oo uu la yeelan lahaa Sweden iyo
Finland, kaas oo la qorsheeyay in bisha soo socota ee February uu ka dhaco
magaalada Brussels, kadib dibadbax ka dhacay Stockholm oo lagu dhaleeceeyay
Ankara, sida ay sheegtay TRT Talaadadii.
Afhayeenka Erdogan ayaa
horraantii bishan sheegay in xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg uu isna ka
soo qeyb gali doono shirkan.
Ilo wareedyo ku dhow
Madaxtooyada Turkiga ayaa sheegay in Turkiga uusan baajin kulanka, balse uu dib
u dhigay, iyada oo warkani caddeyn goorta uu shirku dib ugu dhacay.
Madaxtooyadu way ka
gaabsatay inay faallo ka bixiso dib u dhigista shirkan.
Isniintii, Madaxweyne
Recept Tayyib Erdogan ayaa Sweden u sheegay aysan ka fileynin taageerada
Turkiga ee xubinnimadeeda NATO kadib dibadbax ka dhacay meel u dhow safaaradda
Turkiga ee Stockholm dhamaadkii toddobadkii hore, kaas oo lagu gubay nuqul ka
mid ah Qur'aanka.
Sweden iyo Finland ayaa
sannadkii hore codsaday inay ku biiraan Ururka North Atlantic Treaty
Organisation (NTO) kadib markii Ruushku uu ku duulay Ukraine, waxayna hadda u
baahan yihiin taageerada dhammaan waddamada NATO ee hadda jira, si codsigoodu u
hirgalo.
VOA