Musuq Maasuq Ka Dhacay Wasaarada Ciyaaraha, Dacwad Wasiir Qambi Gaadhsiiyey Madaxtooyada Iyo talaabooyin Uu Qaaday
Wasiirka ciyaaraha Cabdirashiid Qambi ayaa shaqo joojin iyo xil ka qaadis ku sameeyey ku agaasimihii guud Cabdirashiid Caydiid Yaasiin iyo agaasimihii maamulka lacagta Maxamed Nuux oo uu la xidhiidhiyey inay falal musuqmaasuq ku kaceen.
Wasiir Qambi ayaa madaxtooyada gaadhsiiyey dacwad musuqmaasuq oo ka dhan ah agaasimihiisa guud taas oo keentay in wasiirku fuliyo amar lagu siiyey inuu shaqo joojin ku sameeyo Cabdirashiid Caydiid inta bedalkiisa la soo magacaabayo.
Sidoo kale wasiir Qambi waxa uu xilkii ka qaaday agaasimihii maamulka lacagta ee wasaarada ciyaaraha Maxamed Nuux, saraakiil ka tirsan wasaarada ciyaaruhuna waxay ii sheegeen in labadan masuul ay yeesheen wadashaqayn hoose oo ay ku gaysteen falal musuq maasuq, kuwaas oo lacag badan kala baxay madaxyo ka mid ah miisaaniyada wasaarada ciyaaraha.
Saraakiishan ka tirsan wasaarada ciyaaruhu waxa kale oo ay ii sheegeen in wasiir Qambi uu yahay masuul aan ku fiicnayn shaqada balse u fiican shaqaalaha isaga oo aaminay agaasimaha guud oo uu ku wareejiyey inta badan shaqadiisii taas oo sababtay heshiis uu musuqmaasuq ku gaystay oo Cabdirashiid Caydiid la yeeshay agaasimihii maamulka lacagta ee wasaarada.