Waa Ayo Koofiyad Baclayaasha Uu Buurmadaw Sheegay Ee Laaluushka Qaata?
Hargaysa
(HWN) Boqor Buurmadaw oo kamida madax dhaqameedka Somaliland oo ka hadlay
xaalada Laascaanood ayaa yidhi:- "Aaway kuwii derbi jiifka ahaa ee
ninkastoo qiima leh Tv-yada kasoo caayi jiray inta laaluushka la siiyo, maanta
wataas Murkacatay [Somaliland] ee cay iyo xal midna ma ku hadhay..."
Hadalkan
Boqor Buurmadaw ayaa iminaya xili salaadiin ka tirsan beesha Muuse Biixi ay dhawaan
Buurmadaw usoo jeediyeen eedo iyo kelmado umuuqday aflagaado.
Boqor
Buurmadaw ayaana inta badan ka qayb qaata xalinta dhibaatooyinka ka dhaca
deegaanada ay Somalidu degentahay, taasi oo dadka qaar ku doodayaan in Buurmadaw
gacan wanaagsan ka gaysan lahaa haddii loodiri lahaa dhibaatada xukuumada Muuse
u itaalwayday ee ka taagan laascaanood.