5 farsamo oo aad ku gaadhi karto wax kasta oo aad jeceshahay

0
Tuesday January 24, 2023 - 12:11:53 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 707
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    5 farsamo oo aad ku gaadhi karto wax kasta oo aad jeceshahay

    Adkaysiga. Caqabad kasta oo kaa hortimaada waa innaad u adkaysato

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Adkaysiga. Caqabad kasta oo kaa hortimaada waa innaad u adkaysato



1. Dadaalka. Wax kasta oo aad u dadaasho wey adag tahay innay cid kale kaa hor istaagto, waayo waxa kugu weyn sababtaad u doonayso. Ogow wey adag tahay in la baajiyo rabitaanka xoogan.


2. Dulqaadka. Markaad doonayso innaad gaadho waxaad jeceshahay, dulqaadku waa laga maar-maan. U samir wax kasta oo kugu adkaada, waayo waa furaha kuu sahlaya innaad furato albaabka mustaqbalka qurux badan.



3. Adkaysiga. Caqabad kasta oo kaa hortimaada waa innaad u adkaysato, haddii aad doonayso innaad gaadho wax kasta ooo riyadaada ah. Ogow haddii aad adkaysan weydo, waxa kugu adkaan doonta innaad ku faro-adaygto mustaqbalka qurxoon.


4. Dhamays-tirka. Markaad hawl bilowdo, waa lagama maar-maan innaad gabo-gabayso, oo aannad qabyo kaga tagin. Dhamays-tir la’aantu waa caqabad aad ugu badan dadka. Ka feejignow, oo ka gun-gaadh wax kasta oo aad qorshaysato.


5. Fikirka wanaagsan. Dhinaca wanaagsan ka eeg hawlahaaga iyo dadaalkaaga, waayo fikirka wanaagsani wuxuu kugu dhiiri-gelinayaa innaad hore ugu socoto dadaalka. Naftaada ku dhiiri-geli dadaalkeeda.


Ugu dambayn,

marnaba ha hilmaamin innaad illaahay talo saarato, adiguna la imo dadaalka iyo ficilka. Waxaan kuu rajaynayaa nolol qurux badan insha allah.


Mohamed Faisal

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...