Gabay : Gulufkii Wax–Ma-Xeersha (1984-1990)

0
Tuesday January 24, 2023 - 11:30:28 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1417
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabay : Gulufkii Wax–Ma-Xeersha (1984-1990)

    Gawrac wadara lama geysanjirin, ama gummaad hoose

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gawrac wadara lama geysanjirin, ama gummaad hoose


Gabayga soo socda waxaa lagu magacaabaa: Gulufkii Wax-Ma-Xeersha waxaanu ka koobanyahay 40 beyd. Gabaygu wuxuu ku saabsanyahay gulufkii dagaal ee Taliskii Siyaad Barre ku qaaaday Gobolladii Waqooyigii siiba intii u dhaxaysay 1984-1990 laguna galay dembiyo culus oo kala daran sida:

Dil, kufsi, xadhig-silcin, boob, dhac, gawrac-wadareed (Gummaad), magaalooyin dumin, tuulo gubid, barakicin iwm. Gabaygu wuxuu caddaynayaa sida dagaalladaasu uga duwanaayeen dhammaan dagaalladii ka dhexdhicijiray Somalida sababta oo ah waxaa lagu xad-gudbay dhaqanka iyo Islaamnimada, waxaanu ku salaysnaa nacayb. Ummadda Somaliland waa ka heshiisay waana iska cafiday dhibaatooyinkii dagaaladaas sannadkii 1991.

No description available.


Gabaygu waa xusuus taariikh madow oo la soo maray loona baahanyahay in laga fogaado mustaqbalka.

 

GABAYGA: WAX-MA-XEERSHA (1984-1990)

 

Weligeedba Somali godob, iyo colaad guuna

Gawraca dhegaha lalasimiyo, guluf la kala qaado

Rag-wareematada gabbal-dhiciyo, waaga hore gaada

Dhiilladu geyiga wayjirtiyo, gama`la diidaaye

*********

Guullowse dhaqanbuu lahaa, tanise waa gaare

Gawrac wadara lama geysanjirin, ama gummaad hoose

Gamankiyo haweenkaba majirin, cadaw gabraartaaye

Da` gabowday looma qoosanjirin, xawda gelin joogi

*********

Garyaqaanka lama dooxijirin, kala guraha beesha

Seedigu ma gayijirin maglida, gumuca baaruudda

Guri gogosha lama baadhijirin, raarta guradiisa

Dumar dahabka lama goosanjirin, waa gunnimo weyne

*********

Muxsanaadka guudkood majirin, gocor sadheeyaaye

Gobonimada lama xoorijirin, guurka dhaqankiisa

Guuto laguma bixijirin miyiga, gebagebayn Beesha

Ma-yeedhaanka lama goynjirin, nolosha guuraaga

*********

Diyaarado gantaal tuurayiyo, hoobiyaha gawle

Taangiyada gurguurtiyo madfaca, guuxu damiwaayay

Bendarada ma gubijirin hub culus, goostay dumintooda

Tarabtarabka maatada ma go’in, daadsan gudahooda

*********

Bendar lagama gudijirin habeen, Goobta noloshaada

Baxadsoore guuraha ma jirin, barakac guud beesha

Dal shisheeye looma guurijirin, geedi maganeedka

Teendho gaaban lama seexanjirin, baco gawaan meela

*********

Buryariyo saliid geed la dhigo, looma gelin faylka

Xeryo duumo kuma goobanjirin, taaha gama`diidka

Tarab-tarab dad uma geeriyoon, leylka gudihiisa

Gaadhi-gacanka lama saarijirin, meydka guradiisa

*********

Qabiil guud laguma duulijirin, muu gilgilin Geeska

Geyigiisa ma hawaysanjirin, duul gashaday laabta

Wax-ma-xeersha go`e lama aqoon, godob ma guuraana

Godka iilka iyo Aakhiraa, loo gayoonjiraye

*********

Kufrinimo dadbaa galabsadiyo, gubasho naareede

Dawladnimo dadaan gaar u helin, eed ku gale weyne

Geb hadduu ayaxu meel ku dhaho, geeduhu tiriye

Geyigaba fasaadki ka dhacay, khayrki miyuu guuray

*********

Daarood hoggaankiis la gubay, oo la kala guurye

Islaamnimada ay gudub-mareen, uunku garanwaaye

Duulkii ku kaca talo gurracan, eede gacantoode

Dulmigu garaad-xumi u galay, gocosho dheer reebye

*****************

Dhammaad

 

Curiye: Ibrahim Hassan Gagale

Sannadka La Tiriyay: 1996

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...