Sheeko Labo Garaad Dhex Maratay

0
Tuesday January 24, 2023 - 10:04:30 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1976
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sheeko Labo Garaad Dhex Maratay

    Qore:"Ahmed.A.M.Adad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore:"Ahmed.A.M.Adad



 

Garaad Jaamac Garaad Cali: waar garaad bal waran?



Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil: Garaad ku soo dhawaw Laascaanood


Garaad Jaamac Garaad Cali: waan dhawahaye, garaad maxaad ku caddaatay, anigu waan duurgaloobaye?


Garaad jaamac Garaad Ismaaciil: baytkagii iyo barasankaygii


Garaad Jaamac Garaad Cali: Garaad soo gasho tuutaha


Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil: yaan la dagaalamaa?


Garaad Jaamac Garaad Cali: Isaaq


Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil: ma dareemin


Garaad Jaamac Garaad Cali: oo waayo?


Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil: midhkaa horaad ii tidhi 30 sano ka hor baad dagaal isaaq lay geliyay oo laygaga baxay, talo aan dagaal ahayn ma haysaa?


Garaad Jaamac Garaad Cali: dhulbahante anigaa u taliya waa dagaalamayaan


Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil: Laascaanood 30 sano ayaan dhisayayoo lagu dagaalami maayo oo la dumin maayo e meel kale kula dagaalan.


Garaad Jaamac Garaad Cali: Garaad horgal baad tahay?


Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil: arin aan dagaal degaankayga ku hadha ahayn keen, dagaal waan aqaanaa wuxuu yahayoo 30 sanaan booga dhayanaye tii horaan qof kaaga dhimane?


Garaad Jaamac Garaad Cali: adigu ma talaad haysaa?


Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil: haayoo Somaliland talo ama aynu isku raacno ama ku kala guurno oo aan dagaal ahayn baan hayaa


Garaad Jaamac Garaad Cali: dhulbahante anigaa u taliya waxba kaa waydiin maayo.


Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil: adigu caqligii Garaad Faarax dhulbahante ugu talin jirey ma haysid anigaa haya, tana waxba kaa waydiin maayo e orod hawdkaagii ku noqo.


Qore:"Ahmed.A.M.Adad

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...