"Maalin Kasta Oo MUUSE Xukunka Siihayo Waa Udhib Iyo Rafaad Somaliland" Xoghaye Khadar

0
Tuesday January 24, 2023 - 09:56:21 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1146
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Maalin Kasta Oo MUUSE Xukunka Siihayo Waa Udhib Iyo Rafaad Somaliland" Xoghaye Khadar

    "Wuxuu u malaynayaa inaanu cidna u baahnayn."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Wuxuu u malaynayaa inaanu cidna u baahnayn."



Hargaysa (HWN) Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in Muuse Biixi uu aaminsanyahay in uu dalka qori ku xukumi karo, taasina ay ka dhalatay xaalada haatan ka taagan Laascaanood.

 

Xoghayaha ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu baahiyay oo uqornaa sidan:-

 

"Muuse Biiix, sidan baa dhacda markaad aaminsantahay inaad dal ku maamuli kartid qori. Halkani waa Laascaanood, balse dad badan baa la dareen ah.

Wuxuu u malaynayaa inaanu cidna u baahnayn. Maalin kasta oo uu xukunka sii haystaa waa u dhib iyo rafaad Somaliland"ayuu yidhi Khadar Xuseen Cabdi, Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani.

 

Magaalada Laascaanood ayay ku soo qulqulayaan garaadada beesha Dhulbahante oo wata ciidamo maleeshiyaad ah iyo sidoo kale calanka buluuga ah ee Somaliya.

 

Xukuumada Muuse Biixi Ayaan daawanaysa xaalada Laascaanood haatan ka taagan, kadib markii ay ku guuldaraysatay xalinta dhibka ka taagan Laascaanood.


Loading...
Loading...