Go'oan qaadasho siyaasadeed (Politucal Decision Making) waa Kala doorasho waxyaabo kalla duwan.

0
Tuesday January 24, 2023 - 09:25:01 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 634
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Go'oan qaadasho siyaasadeed (Politucal Decision Making) waa Kala doorasho waxyaabo kalla duwan.

    Arrinta Laaska iyo go'aanka xukuumadda JSL. xaaladda immika taagan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arrinta Laaska iyo go'aanka xukuumadda JSL. xaaladda immika taagan.



Seddex nooc ayuu u dhacaaa go'aan qaadashadu.

1. Wanaag iyo Xumaan kala doorashadood (+tive and -tive Decisions)

2. Labba darran mid dooro (-tive and -tive Decisions)

3. Wanaag iyo Wanaag kalla doorashadood (+tive and +tive Decisions)



Somaliland go'aanka horyaalay maantu waxa uu ahaa labba darran mid dooro. Waa ta koowaadde in ay ka hortagto dhamaan dadka kassoo horjeedda jiritaankeeda ee kasoo jeeda deeganadda rabshaduhu ka dhaceen iyo inay faragalin  ku samayso waxyaabaha liddiga ku ah jiritaankeeda ee ka socda Laaska.


Ta labaad waa inay daawato dhamaan wax kasta oo ka dhacaya Laaska, oo liddi ku ah JSL.

Labbada go'aanba waa -tive, aadna way  u qadhaadh yihiin. Goaanka koowaad mabay samayn, haddii ay samayn lahaydna xukuumaddu dhibaato ka badan tii horaa ayaa dhici lahayd waanay ku saxsanayd.


Ta laabaadna waa mid ku qadhaadh xukuumadda, oo shuruucdii qarranimadii iyo waxii la ilaalinayay muddada dheer ayaa si fudud looggu tumanayaa.


Xukuumaddu waxaa wakhtiggan u fiican

1. in ayna marnabba awood iyo farra galin toos ah ku samayn shirka ka dhacaya Laaska. (Farra galin ciidan )

2. In ay xoojiso Xidhiidhka ay bulshadda qaybaheedii kalla duwan la yeelanayso.

3. Inay  kor u qaado sugidda amniga gobolka si aan qolooyinkii madaxxa duubanayay aanay ugga faaidaysan.


Rayigayga Gaaban

Al-khaliili.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...