Turkiga Oo Tallaabo Adag Ka Qaaday Falkii Lagu Gubey Kitaabka Qur'aanka

0
Tuesday January 24, 2023 - 09:07:51 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1189
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga Oo Tallaabo Adag Ka Qaaday Falkii Lagu Gubey Kitaabka Qur'aanka

    "Qofna xaq uma laha inuu bahdilo muqadasaadka" ayuu yiri Mr Erdogan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Qofna xaq uma laha inuu bahdilo muqadasaadka" ayuu yiri Mr Erdogan



"Sweden yaanay filannin in Turkigu tageero ka mid noqoshadeeda NATO", ayuu madaxweynaha Turkiga Erdogan yiri shalay, maalmo uun ka dib markii kitaabka Qur’aanka kariimka ah lagu gubay dibad baxyo ka dhacay magaalada Stockholm ee dalka Sweden.

 

Sweden ayaa codsatay ka mid noqoshada NATO ka dib markii uu Ruushka weeraray Ukraine – balse Turkiga oo xubin muhiimka ka ah NATO ayaa shuruudo ku xiray ka mid noqoshada Sweden iyo Finland ee NATO.

 

Kurdiyiinta ku nool Sweden oo mudaharaad ku daldalay wax ay u ekaysiiyeen Erdogan ayaa waxaa xigay in kitaabka Qur'aanka ah lagu hor gubo safaaradda Turkiga ee Sweden Sabtidii.

 

Jawaab uu ka bixiyey Madaxweyne Erdogan ayuu ku yiri, " Sweden yaanay filanin taageerada Turkiga ee ka mid noqoshadeeda NATO”.

 

"Waxaa iska cad in kuwii ceebta intaa le'eg ku sameeyay safaaradda dalkeena horteeda aysan naga sugi karin wax wanaag ah oo ku aaddan codsigooda."

 

Mudaharaadkii Sabtida lagu gubay kitaabka ayey dawladda Sweden fasax usii oggolaatay ka hor inta aanu bilaaban balse gubista Qur'aanka ayaan fasaxa ku jirin.

 

Erdogan ayaa cambaareeyay dibad bixii ugu dambeeyay ee lagu gubay kitaabka Qur'aanka, kaas oo uu fuliyey siyaasi midigta ka tirsan xisbiga midigta fog ee Denmark, wuxuuna Erdogan falkan ku tilmaamay mid aflagaaddo ah oo aanay xuquuqda hadalku difaaci Karin.

 

Dawladda Aweden ayaa dhankeeda dhaleecaysay mudaharaadka.

 

"Sweden waxa ay leedahay xoriyatul qowlka oo aad u qoto dheer, laakiin macnaheedu maaha in dowladda Sweden ama nafteydu ay taageersan tahay fikradaha la soo bandhigay" ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Sweden Tobias Billstrom sabtidii.

 

Isagoo ka jawaabaya hadalka Erdogan Isniintii, ayuu Mr Billstrom sheegay inuu doonayo inuu si sax ah u fahmo waxa uu yiri hoggaamiyaha Turkiga ka hor inta uusan faallo ka bixin.

 

"Sweden waxay ixtiraami doontaa heshiiska u dhexeeya Sweden, Finland iyo Turkiga ee ku saabsan xubinnimada Nato," ayuu raaciyay.

 

Sweden oo ay weheliso Finland ayaa dalbaday in ay ku biiraan gaashaanbuurta Nato kadib markii Ruushka uu galay Ukraine, balse mudaaharaadyadii u dambeeyay ayaa uga sii daray xiisadda awalba taagneyd.

 

Xoghayaha guud ee gaashaanbuurta Nato Jens Stoltenberg ayaa sheegay in xoriyatul qawlka ay tahay hanti qaali ah oo ka jirta waddamada Nato, wuxuuna sheegay in falalkan ay yihiin kuwo aan munaasib ahayn, balse aysan ahayn kuwa si toos ah sharci darro u ah.

 

Turkiga oo ah waddan Muslim ah ayaa cambaareeyay go’aanka ay dowladda Sweden ku oggolaatay mudaaharaadka kuna tilmaamay mid aan gabi ahaanba la aqbali karin.

 

"Qofna xaq uma laha inuu bahdilo muqadasaadka" ayuu yiri Mr Erdogan oo khudbad telefishin jeedinayey Isniintii.

 

"Markaynu wax nidhaahno si daacad ah ayaanu u sheegnaa, marka qof na ixtiraamo, waxaanu dhignaa meeshiisa,"

 

Wasiirka gaashaandhigga Hulusi Akar ayaa sheegay in Turkigu uu baajiyay booqashadii dhiggiisa Sweden Pal Jonson ku imaan lahaa Turkiga ka dib markii "uu arkay in aan wax tallaabo ah laga qaadin... mudaaharaadyada laga yaqyaqsoodo".

 

Booqashooyin is daba joog ah oo ay hore wasiirrada ugu sarreeya Sweden ku tageen caasimadda Turkiga ee Ankara ayaa rajo galinaysay in safarkan uu fududeeyo diidmada ku biiritaanka Sweden.

 

Maaddaama Turkiga uu horey xubin uga ahaa Nato, wuxuu hor istaagi karaa waddan kale inuu ku biiro, waxaana uu horey u soo bandhigay dalabyo dhowr ah oo Sweden ku socda. Taas oo ay ku jirto in loo gacan geliyo qaar ka mid ah Kurdiyiinta ku nool Sweden oo Turkigu sheegay in ay yihiin argagixiso.

 

Horraantii bishaan, ra'iisul wasaaraha Sweden ayaa sheegay in dibad baxayaasha Kurdiyiinta ee Stockholm ka soo laadlaadiyay sawirka madaxweynaha Turkiga ay isku dayayeen inay carqaladeeyaan codsiga Sweden ee Nato.

 

Wasiir ka tirsan Sweden ayaa falkan ku tilmaamay mid laga xumaado, balse Turkiga ayaa sheegay in cambaareyntaasi aysan ku filneyn.

 

BBC


Loading...
Loading...