Murashaxii Looga Guuleystay Doorashada Madaxweynaha Kenya Oo Ku Dhawaaqay Go'aan Cusub

0
Tuesday January 24, 2023 - 08:57:45 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1440
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Murashaxii Looga Guuleystay Doorashada Madaxweynaha Kenya Oo Ku Dhawaaqay Go'aan Cusub

    "ay is casisho maadaama aysan lahayn awood ay dalka ku maamusho".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"ay is casisho maadaama aysan lahayn awood ay dalka ku maamusho".


 

Hoggaamiyaha Isbahaysiga Azimio la Umoja–One Kenya, Raila Odinga ayaa maanta ku dhawaaqay in uusan aqoonsaneyn dowladda uu madaxweynaha ka yahay William Ruto oo ah ninka uga guuleystay doorashadii madaxweynaha ee Kenya ka dhacday bishii August ee sanadkii lasoo dhaafay.

 

Odinga oo kulan isu soo bax ah ku qabtay degmada Kamkunji oo ay ka tirsan tahay ay Soomaalidu ku badan tahay ee Eastleigh ayaa arrintan u sababeeyay wax uu ugu yeeray "natiijo sharci darro ah" oo kasoo baxday doorashadii sanadkii hore.

 

Dadkii isugu yimid garoonka Kamkunji ayuu u sheegay in isbahaysigiisu ay dowladda hadda jirta u arkaan mid aan sharci ku dhisneyn.

 

"Ugu horreyn, annagoo ah Azimio waxaan qaadacdnay natiijada doorashadii 2022. Ma aqoonsan karno mana aqoonsan doonno dowladda Isbahaysiga Kenya Kwanza,” ayuu yiri Mr Odinga.

 

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku daray: "Uma aqoonsanin Mr William Ruto in uu yahay madaxweynaha Kenya mana aqoonsanin dhammaan saraakiisha kale ee xafiiska la joogta."

 

Mr Odinga ayaa sheegay in isbahaysigiisu ay dalbanayaan in lasoo bandhigo dhammaan xogihii aasaasiga ahaa ee doorashadii 2022 ay ka sameeyeen guddiga doorashada ee IEBC markaas ka dibna uu guddi kale oo dhexdhexaad ah dib u eego.

 

"Waxaan dalbaneynaa in si deg deg ah loo joojiyo isku day walba oo uu Mr Ruto keligiis dastuurka ugu sharciyeynayo guddiga IEBC taas baddalkeedana shacabka Kenya loo fasaxo in ay wadatashi ka sameeyaan dastuureynta guddiga doorashada," ayuu yiri Raila Odinga.

 

Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya ayaa sheegay in isbahaysigiisu uu dalbanayo in dowladda hadda jirka "ay is casisho maadaama aysan lahayn awood ay dalka ku maamusho".

 

Mr Odinga waxaa isu soo baxan ku wehlinayay siyaasiyiin kale oo ay ka mid yihiin Martha Karua, Kalonzo Musyoka, Eugene Wamalwa, Wycliffe Oparanya iyo murashaxii hore ee xilka madaxweynaha George Wajackoyah.

 

Hadalka kasoo baxay Raila Odinga iyo hoggaamiyeyaasha kale ee xisbigiisa ayaa yimid dhowr bilood ka dib markii ay maxkamadda ugu sarreysa Kenya soo afjartay muran ka dhashay natiijadii doorashada, iyadoo waxba kama jiraan ku tilmaantay eedeymaha ku saabsanaa in wax isdaba marin lagu sameeyay doorashada.

 

BBC


Loading...
Loading...