Xildhibaan Reer Sanaag Ah Oo Sheegay In Kacdoonka Laascaanood Halis Ku Yahay Soomaaliland Kuna fidi Karo Sanaag

0
Tuesday January 24, 2023 - 00:34:12 in News by Abdi Good
  • Visits: 2002
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Reer Sanaag Ah Oo Sheegay In Kacdoonka Laascaanood Halis Ku Yahay Soomaaliland Kuna fidi Karo Sanaag

    Xildhibaan Reer Sanaag Ah Oo Sheegay In Kacdoonka Laascaanood Halis Ku Yahay Soomaaliland Kuna fidi Karo Sanaag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Reer Sanaag Ah Oo Sheegay In Kacdoonka Laascaanood Halis Ku Yahay Soomaaliland Kuna fidi Karo Sanaag
xildhibaan Khadar Cali Xakiin oo ka tirsan mudaneyaasha laga soo doortay gobolka Sool kana tirsan golaha wakiilada somaliland ayaa ka hadlay xaalada ka taagan xarunta gobolka Sool ee Laascaanood.

xildhibaanka ayaa qoraal uu ku baahiyey bartyiisa Facebook waxa uu si gaara uga hadlay calankii soomaaliya ee ay shacabka laascaanood ku soo dhaweeyeen garaadka guud ee beelaha gobolkaasi, waxaanu qoraalka xildhibaanku u dhignaa sidan:-


Arrinta G. Sool.

Shakhsiyan waxaan u arkaa in Calanka lala Cararayo aanu ahayn Somali Jacayl ee uu yahay fidno abuur.

Somaliland waxay Xuduud laleedahay Somalia, gaar ahaan Maamul Goboleedka Puntland mana haboona in lagu fekero Maamul laga qotimiyo Somaliland iyo Puntland dhexdeeda oo Puntland baaba kasii diidanaan badan Somaliland, Haddiiba laga Qotomiyo laga biximaayo dhib iyo Xasilooni darro.

Maamulka Somaliyeed ee Puntland waxaan u qirayaa inay yihiin Dad Muddakar ah oo jecel deriswanaagga iyo Wada noolaansha Bulshada.

Arrinta Gobolka Sool waa Fidno kasoo socota Gobolada Bariga Somaliland waana arrin hallis ah inay kusoo fiddo dhinacaa iyo Caynabo ama Ceerigaabo, hadday sidaa tahay waxa waajib ah in arrintaas lagu joojiyo halka ay hadda joogto.

Qofkasta oo SL ah oo aaminsan in arrintani ku timi dayacaad iyo Sakrasho, ha jirto ama yay jirine hadda way dhaaftay halkaas, Dalkan Somaliland inagaa iska leh, inagaa dhaxalkiisa leh, malaha qof Xil qabtay oo uu Gabaabsi kayahay Xilkiisu ee waxa leh qofka u Da'yar ee ku dhexnool ee leh hammi ah inuu ku noolaado Barwaaqo iyo mustaqbal wanaagsan.

Ugu danbayn waxaan usoo jeedinayaa dhallinta indhaw aragga ah ee sida kale u turjumaysa arrintan ha ogsoonaadaan in dhacdooyinkani hadday sii socdaan ay ku yeelandoonaan Cawaaqib Xumo.

Tusan oo Tilmaaman.
No photo description available.


Loading...
Loading...