Dowladda Soomaaliya Oo Si Xooggan U Cambaareysay Sweden
Dowladda Soomaaliya
ayaa ku cambaareysay Sweden inay xagjiriin dalkeeda ku sugan u ogolaatay inay
nuqul ka mid kitaabka qur’aanka kariimka ku gubaan dibadbax ka dhacay magaalada
Stockholm.
Dibadbaxa, oo Sabtidii
ka dhacay banaanka safaaradda Turkey ee caasimadda Sweden, ayaa waxaa
hoggaaminayey Rasmus Paludan oo u dhashay dalka Denmark balse sidoo kale haysta
dhalashada Sweden, kaasi oo ah nin Islaamka iyo soo-galootiga neceb.
Wasaaradda Arrimaha
Dibedda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri "Wasaaradda Arrimaha
Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, waxay si xooggan u cambaareyneysaa in
mas’uuliyiinta Sweden ay u ogolaadeen nin xagjir ah inuu nuqul ka mid ah
qur’aanka ku hor gubo Safaaradda Turkey ee magaalada Stockholm, Sabtidii
(January 21), taasi oo ka dhigan xadgudub cad oo ka dhan ah xurmada diinta iyo
kicinta dareenka muslimiinta caalamka oo dhan.”
Dowladda Soomaaliya
ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in ogolaanshaha ficilkan naceybka ah uu aflagaado
ku yahay xurmada iyo qiyamka Islaamka, islamarkaana aan la aqbali karin.
"Waa kaliya dhaqan
dareen kicin oo taageero lagu raadinayo, islamarkaana sare u qaadaya nacaybka,
una adeegaya ajende xagjirinimo iyo argagixisanimo,” ayey tiri wasaaradda.
Wasaaradda Arrimaha
Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa sheegtay inay xaqiijineyso mowqifka
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan muhiimadda ay leedahay
faafinta qiyamka wadahadalka, dulqaadka iyo wada noolaanshaha iyo diidmada
nacaybka iyo rabshadaha.
"Waxay [Soomaaliya] dib
u cusbooneysiineysaa muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo astaamaha diinta,
iyo in laga fogaado hurinta nacaybka iyo hurinta colaadaha iyadoo lagu
xadgudbayo oo la qalloocinayo diinta, xurmada iyo caadooyinka Islaamka” ayey
tiri.
Wasaaradda ayaa ugu
dambeyn sheegtay in Soomaaliya ay ugu baaqeyso Sweden inay tallaabooyin ka
qaado naceybka sare usii kacaya ee ka dhanka ah Muslimiinta, ayna ugu baaqeyso
beesha caalamka inay mas’uuliyad iska saaraan wax ka qabashada Islaam naceybka.