Wararkii Ugu Dambeeyey Xaaladda Laascaanood, Abaabulka Shirarka Dhaqan Ee Xukuumaddu Shuruudda Ku Xidhay.

0
Monday January 23, 2023 - 13:59:01 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1636
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Dambeeyey Xaaladda Laascaanood, Abaabulka Shirarka Dhaqan Ee Xukuumaddu Shuruudda Ku Xidhay.

    "Wufuudda iska soo daba dhacaya ayaa waxa mid walba la socda kooxo hubaysan oo maleeshiyaad ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Wufuudda iska soo daba dhacaya ayaa waxa mid walba la socda kooxo hubaysan oo maleeshiyaad ah"


Laascaanood, - (HWN)- Kadib markii ay dorraad xukuumadda Somaliland soo saartay Go’aamo la xidhiidha xaaladda xal u helidda xiisadihii dhawaan ka aloosmay magaalada Laascaanood ee Caasimadda Gobolka Sool, kuna baaqday in ay ogoshahay shirarka dhaqan ee halkaasi ak socda oo ay shuruudo ku xidhay haddana wali waxa halkii ka sii socda tallaabooyin halis ku ah qaranimada Somaliland oo ay oo ay ku hawlan yihiin kooxo abaabulan oo Bulshada ku guubaabinaya kacdoon iyo arrimo liddi ku ah qaranimada.

 

Shalay subax waxa magaalada Laascaanood goobo badan oo ka mid ah laga qotomiyey Calanka Buluugga ah ee Soomaaliya halka sidoo kale guryaha iyo dayrarka qaarkood la marinayay  ranji muujinaya calankaasi oo lagu lammaaneeyey Calan kale oo ay ku sheegeen ka khaatumo.

 

Magaalada Laascaanood waxa soo gaadhayay saacadihii la soo dhaafay inta badan Isimada Dhaqanka ee waaweyn ee Beesha Dhulbahante kuwaas oo uu hore ugu yeedhay casuumad shirna ugu baaqay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka mid ah garaadada wakhtigan sida weyn uga so hor jeeda Somaliland horena u taageersanaan jiray. Dhinaca kale Garaadka Guud ee Beesha Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa isna la filayaa in uu manta oo Isniin ah soo gaadho magaalada Laascaanood halkaas oo loogu diyaariyey soo dhawayn ballaadhan. Garaadadan ayaa ka qayb- galaya shir ay madaxda dhaqanku ku sheegeen mid Aayo ka tashi ah oo lagu qaban doono Laascaanood kaasi oo lagaga hadli doono xaaladda taagan iyo go’aamo ay sheegeen in laga qaadan doono sida uu noqon doono xaalka Laascaanood mustaqbalka.

 

Wufuudda iska soo daba dhacaya ayaa waxa mid walba la socda kooxo hubaysan oo maleeshiyaad ah kuwaasi oo ay maamulka Gobolka iyo Guud ahaan waftiga Wasiirraduba ku tilmaameen kuwo xaaladda xumaynaya haddii aanay odayaasha dhaqanku ka waantoobina ay tallaabo qaadi doonaan.

 

Dorraad Sabtidii Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo ah madaxa waftiga golaha wasiirrada ee Laascaanood ku sugan ayaa saxaafadda u akhriyay go’aano ay ka soo saareen shirka uu ku baaqay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil waxaanu Wasiir Kaahin sheegya in ay ogol yihiin shirarka dhaqanka haddii aanay ka hor imanayn qaddiyada Somaliland ee qaranimo taasi oo u muuqata mid ay labada dhinac meel kala fog taagan yihiin.

 

Wasiir Maxamed Kaahin Axmed waxa uu yidhi: "Golaha Wasiirrada ee jooga Gobolkan Sool, Guddoomiyaha Gobolka, waxa ay soo saareen war-saxaafadeedkan. Guddoda ka kooban xukuumadda, ee Degmada Laascaanood ee Gobolka Sool u joogta xallinta rabshadihii ka dhacay mudaharaadkii dhacay waxaanu halkan kaga hadlaynaa qodobadan:

 

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo Tixgalinaysa Mabaadii’deeda oo ay bud-dhig u tahay wada tashiga, wada xaajoodka, isla markaana aanu tixgalinayno, war-saxaafadeedkii hore ee aanu soo saarnay kuna taariikhaysnaa 15-ka Bisha Koowaad sannadkan 2023-ka oo dhigayay in xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ay ka go’an tahay in wada hadal lagu dhammeeyo wax kasta oo tabasho ah oo ka jira Gobolka Sool. Sidaa darteed xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay soo dhawaynaysaa shir kasta oo dhaqan ay Beeshu qabsanayaan oo aan ka hor imanayn jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland. Cid kasta oo ka tirsan maamul kale iyo dawlad kale ururro kale oo siyaasadeed waxaa looga digayaa in aanay soo fara galin xaaladda ka taagan Gobolka Sool iyo shirarka dhaqan ee Beesha uga socda magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood.



Loading...
Loading...