Ururka Rejo Oo Muuse Biixi Usoo Jeediyay In La Joojiyo tababarka milatari Ee Maraykanku Ku Samaynayo Berbera
Ururka Rajo .
Urur Siyaasadeedka
Rejo, isagoo ka mida saamilayda siyaasada qaranka Somaliland, waxa uu
war-saxaafadeedkan kaga hadlaya 2 qodob oo qarankan ahmiyad wayn u leh, kolba
sidii loo maareeyana guusha ama guul daradu ku imanayso.
Ugu horeyn urur
Siyaasadeedka Rejo waxa uu aad uga werwer qabaa xaalada ay ku sugantay
magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Urur Siyaasadeedka Rejo waxa uu
la damqanaya oo la dareen yahay muwaadiniinta reer Somaliland ee daggan
magaaladaa oo qax iyo barakac sinaba in ay usoo gaadho aanu rabin.
Waxa uu urur
Siyaasadeedka Rejo usoo jeedinaya madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland in
arinta Laascaanood laga balaadhiyo sida imika xukuumaddu uga hawl galayso oo
talo iyo arin Qaran laga gaadho sidii reer Sool qadiyadooda indha caafimaad
qaba loogu eegi lahaa. Waxa aanu madaxwayne kugula talinaynaa in aad iskugu
yeedho golayaasha qaranka, Xisbiyada iyo ururada siyaasada ee qaranka, culimada
iyo ganacsatada si talo Qaran halkaa ugasoo baxdo.
Qodobka 2-aad waa
xidhiidhka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Maraykanka.
Sida aynu ogsoonahay
wax heshiis ah oo laba geesood ah oo dhexmaray Somaliland iyo Maraykanku ma
jiro. Waxase jirta qodobo Congress-ka iyo Senate-ka Maraykanku ku dareen Xeerka
Difaaca qaranka ee loo yaqaano NDAA.
Qodobadaasi NDAA ku
jira waxa ay ku yimaadeen, ka dib markii ay 2-da gole iyo wasaaradaha ariimaha
dibada iyo ta difaaca ee Maraykanku isku af-garan waayeen Xeer Guddi hoosaadka
ariimaha dibada ee Congress-ka iyo Senata-ku sanadkii hore curiyeen oo la
yidhahdo Somaliland Partnership Act oo qeexayay aqoonsiga Somaliland ee
Maraykanka.
Hadaba imika waxa
muuqda in qodobadii ay 2-da wasaaradood iyo 2-da gole iskugu tanaasuleen ee
Xeerka NDAA lagu daray ay wasaaradii ariimaha dibada ee dalka Maraykanku
ganafka ku dhufatay hirgalintiisii sida ku cad warqadii uu soo saaray safiirka
Maraykanka u jooga dalka Somalia ee Larry Andre oo si aan gabad lahayn u
sheegay in Hargeysa Somalia ka tirsantahay, wixii ay ka qabanayaan meel walboo
dalka Somalia ka tirsana xukuumada Federalka ee Somalia uga ruqsad qaataan.
Hadaba waxa uu safiir
Larry Andre warqadiisa inoogu sheegay in tababarka milatari ee Berbera ku
qabsoomaya Muqdisho ugasoo ruqsad qaateen, taasina waxa ay ka horimanaysa
dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa aanu sidaa
daraadeed xukuumada Somaliland usoo jeedinayna in ay ilaaliyaan madax-banaanida
qaranka Somaliland oo ay hakiyaan ama joojiyaan tababarka milatari ee
qorshaysan bisha soo socda in uu Berbera ku qabsoomayo. Talaabadani waxa ay
dood ka dhex abuuri doonta Maraykanka dhexdiisa waxa aanu hubnaana in ay la
iman doonaan nidaam iyo dhaqan ay wasaarada ariimaha dibada ee Maraykanku ku
saxayso khaladka ay inaga galayso.
Allah talada toosan ha
ina waafajiyo.