Hagar-Daamooyinkay Labadda Askari U Geysteen Ummadda Reer Somaliland Iyo Dib U Dhaca ( Abdi-Shotaly).

0
Monday January 23, 2023 - 12:06:47 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1495
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Hagar-Daamooyinkay Labadda Askari U Geysteen Ummadda Reer Somaliland Iyo Dib U Dhaca ( Abdi-Shotaly).

    N. B Heer-Yadda Gumaysiga Ma Rido Kaw Habrana-yaaye!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

N. B Heer-Yadda Gumaysiga Ma Rido Kaw Habrana-yaaye!



 

Hore loo yidhi " Dameertu Geella ha iga didisee weliba way ii qururuf leedahay). Ummadda Rabbi ku uumay Mar uun bay waayo'aragtaa, oo ay dib u eegtaa wixii ay caga hore ugu soo dhuftay Haday sax ahaayeen iyo khalad ahaayeen-ba, laakiin Haday dib isu Xisaabin waydo xaal-kuna ka noqdo oodaa rogan, a wood baad maanta leedahay ee sidaad Doonto u soco, xintan, feker la'aan, naxili iyo bello abuur, dhegaha furey so oo yaan lagu marin, Dagaal doonid iyo rebshed kici uun mooyee, wax kale yaan lagaa arkin, wax isku cayn iyo beyd goyso ayuun baad kursiga ku sii fadhi kartaa, bowor-tooyo samayso, si walba hanti u Doon, boob iyo blood joogto ah ku dhaqan, wax aad u miidaan daydaa Yaanay jirin inta aad mididda daab-keedda hayso, beel la colaw, iska hor-keeni beello aan wax-ba dhex oolin oo Kolba foodda laba la isu geliyo, isaga u cimiri dheer ka dhiganaaya, is leh-ba dan-taadda baa sidaas ku jirta, hasa-yeeshee aan ogayn khadaaraha dal iyo dad-ba uga iman Kara, waa waali sideedda ahoo aan dawo lahayn iyo macangag-nimo bilaa maskax ah, weliba ay sii dheer tahay cuqdad uu beerka milil u jiifo deegaano gaar ah, Alle-na aan ka baqay, diin uu dhaq-maana aanay haba-yaraatee, maxay sheegayso foodda uu munaafaqadda dhulka ku xowayaa? Haduu qof is yidhaaho haddii aad wax maqasho ama gar waadato waa lagaa adkaaday waa sidda labadda askari ee loogu kala yeedho " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo-Shaaximane" Waxay isi soo taagan cidla ciirsila.

 

Akhristaw labadan Askari ee kor ku xusani, waxay isku dhaarsa-deen, oo ay si dhab ah xooga u saareen:-

(1) Waa ugu horayne, waxa xukunka loo boobay in ay helaan awood ay ku xoog-sadaan, waana arakay-saan xoolaha ay haystaan labadda askari ee Xaafad-tooyadu, oo ay imika yihiin, qoysaska Afrika ugu wanisan, waa sidda ay qortey jariiradda ka soo baxdda dalka Koonfur Afrika ( South Africa) Ee la yidhaaho " African Richest figures" Taas oo afka ku dhuftay in wiilka uu dhalay Keliggii taliyaha Maamulka la baxay Somaliland, ee la yidhaaho Mohamed Musa Behi, uu saddexddii sano ee ugu horeeyey ee aabihii kursiga ku fadhiyey, uu noqday wiilka ugu lacagta badan Afrika.

 (2) In aanay ka dambayn wax la yidhaaho Somaliland, oo ay tirtiraan magaceedda, gebi ahaan-bana ka saaraa Maabka Aduunka ( Map of the world) oo aan dib loo maqal.

(3) In aan la arag beel-beel la socotaa ee kala Firidh ku dhacdo ummaddii iyadda oo wadda socta gacanta u gashay.

(4) Dawalddii ay soo dhiseen 4tii Madax-weyne ee ka horeeyey labadan Askari, oo iyaba waa nasiib darro ku dhacday dalka iyo dad-kaba'e maanta dawlad daayoo ka hoos martay Maamul Goboleed, wax lagu tilmaaman a aanu qof-na sheego Karin.

(5) SSC-ddii uu soo xareeyey Madax-weyne Ahmed Siilaanyo, oo dheg loo jalaq siin waayey, imika a Mar kale xadhkaha uu soo goosatay, markii wixii lagula heshiiyey ay askarta guriggii Moorgan ku jirtaa, ka dhigeen ina wax kama jiraan.Waana kuwaa hadeer hubka qaatay SSC kolkii laga Lee day ee la baal maray Heshiiskii lala galay.

(6) Sanaa-Bari ( Waa Warsan-Geliye) oo si cad loo yidhi iska taga, ka dib-na ay u galeen Puntland, far sama xumaanta iyo maskax la'aanta askarta " Xaafad-tooyadda awgeed" .

(7) Gobolka Sool oo iyadoo aanay xabadi ka dhicin uu Madax-weyne riyaale inoo soo Gacan geliyey, iyana waad la socotaa in ay yidhaaheen naga baxa. Beentii loogu sheekeeyey ee ahayd waxa idin laynaya dadkii reer baydhaba " Waa Raxan-Weyne" iyana socon wayday, ee Kuwii waxaas oo dhan dhigay ee ka dambeeyey waxay noqdeen Maamulka labadda askari.

(8) Somaliland waxay dal ku ahayd Beelaha Daraf-yadda ee kala ah, Harti ( Waa Warsan-Geliye iyo Dhulbahante') Samaroon iyo Ciise, iyana waxa ka sii qiiqaaya, isku dar-koodda in ka yar 5% guud ahaan-ba, bal kolkaas xagay jirtaa Somalilandta ay leeyihiin, Waxaynu nahay Waddani jira.

(9) Siddii ay askarta " Xaafad-tooyadu" ay u boobeen ku kursiga, aeooddii iyo dhaqaali-hiina ay ugu Gacan gashay ma jiro wax la yidhaaho " Distoor iyo Sharci" Oo dabadda baa lagaa tuuray, Keliggii talisnimo buu dalkii iyo dadkii galay.

(10) Saraakiishii Beelaha kale ee ciidanka booliiska iyo militeriga, Xil ka qaadis iyo xadhig baa la isugu daraa, sababta oo ah waa sidda runta ahe " Waxay Telefoonka ka qaadi waayeen wiilka kor u kaajaaya ee uu dhalay Askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay" oo ay u sii dheer tahay in uu suuqa dhex-diisa shicibka ku laayo, ilayn doofaarka dhalay baa kursiga ugu fadhiya'ee.

 

 Abwaan Tima-cade (IHUN) wuxu yidhi " Heer-yadda Gumaysiga ma rido, kaw habrana-yaaye" waa tallo waafiya oo sharax u baahnayn. Muwaadin waxan ku soo xidhay Qoraalkaa, wixii aynu ku soo caano maalay, ee maamuladdii Madax-Weynayaashii hore mud-ba meel soo gaafh-siiyey iyo dimuqraa-diyaddii Aduunku inoogu soo jeestay, rajaddii aynu qab ay, horu-markii aynu Gaadhay, nabaddii aynu haysanay, isku kalsoonidii aynu qabnay, sinaantii, cadaaladdii, wax wadda lahaan-shihii, midnimaddii ummadda dalka wadda lahayd daraf-ilaa-daraf, hor-markii aynu hiigsa-naynay, Ictiraaf raadinta ay ahayd in la inoo doono, cadawggii aan meel uga soo wadda jeeday, kuli-good siday u dhamaayeen, Mar qudha waxay is cunsiiyey labadan Askari. Mana jirto inta ay kursiga sii joogaa Rajo dambe oo idiin hadhay, haday dawladnimo tahay, nolol iyo dadnimo, nabad idiin taalaa a ma jirto, waayo iyadda oo waadix ah bay wax waliba idin hor yaalaan. Waxa ku soo shakaalay maqaalkan hadal isaga baa isaka badan, haddii ay Daacad inaga tahay wadani-nimco oo ay dhab sidaas hor Illaahay inaga go'an tahay waxa aydin u tashan si wadda Jir Ah, oo heer-yadda dulinmo ee labadda askari idin huwiyeen waydin iska qaadi doon-taan, haddiisel sidaa aad imika tihiin xaal-kiinu uu ahado, ogaadda waxad ku dambayn doon-taan Maah-maah-dii ahayd " Lax waliba shilalka ay is dhigto baa lagu qalaa" Isku duubni baa meel laga gaadhaa, kala tagna waa lagu rogmadaa, ee mid doorta.

* N. B Heer-Yadda Gumaysiga Ma Rido Kaw Habrana-yaaye!

Qore: Abdi-Shotaly.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...