Dooda Awood- Qabsiga Maanta Ha La Bilaabo – Fulinta Qaraarada Dib Ha Loo Dhigo

0
Tuesday June 18, 2019 - 12:12:42 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1076
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dooda Awood- Qabsiga Maanta Ha La Bilaabo – Fulinta Qaraarada Dib Ha Loo Dhigo

    Madaxwaynuhu ha magacaabo 60 xubnood oo khubaro ah oo ka soo kala jeeda 6da gobol doorasho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwaynuhu ha magacaabo 60 xubnood oo khubaro ah oo ka soo kala jeeda 6da gobol doorasho.
  • 60ka xubnood ha ka soo tala bixiyaan sidii Distoorka loo furi laha.
  • 60ka xubnood ha ka soo tala bixiyaan sida heshiiskii Khatumo xukuumadda la gashay iyo heshiisyadii Reer Awdal loo waafajin laha Distoorka Cusub IWM.
  • G’aanka gudida khubarada ha lagu dabbaqo doorashooyinka ka dambeya kuwa soo socda.
  • Doorashada inagu soo fool leh, xeerkii hore ha lagu galo – wakhtiga oo kooban.

TALOOYIN HOR-DHAC AH

  • SAIMI -QAYBSIGA "GOLAHA GUURTIDA” HA LAGU SAR-GOOYO 6 GOBOL OO SIMAN   
  • Si loo helo caddaalad iyo sinaan, xubnaha Golaha Guurtida 6da gobol ha loo simo.  
  • Lixda gobol mida 14 xubnood lagu soo doorto – waa 84 xubnood.
  • Waa sida Senate ka Maraykan ku dhisan yahay. Delaware oo gobolada maraykan ugu dad yar iyo California oo ugu dad badan ayaa midba tiro siman oo 2 ah laga soo doortaa.
  • Waxaa sida looga dhigay, si gobolada tirade dadku koobanthay u helaan cod la siman kuwa dadka badan.
  • Somaliland , taasi gobolada darafyada (Awdal, Sool Iyo Sanaag) waxay siinaysaa awood 50% ah oo ay ku meel mariyaan qararada ay wataan ,  kuna hor joogsadaan qararada aanay doonaynin.
  • Sidoo kale, saddexda gobol ee Somaliland ugu dadka yar (Saaxil, Sool Iyo Sanaag) waxay la awood noqonayaan (50%) saddexda ugu dadka badan (Awdal, Togdheer iyo Maroodi Jeex).
  • 6da goboal doorashjo waa in lagu sargooyo xuduudii 6dii distari ee 1960.
  • XUSUUS GAAR AH:
  • KOR U QAADKA AWOODDA GOLAHA GUURTIDA IYO GOLAHA WAKIILADA

Somaliland waxay qaadattay nidaamka awoodda Madaxwanye (Presidential). Haseyeeshee , sida laga barankaro 20 sanno oo nidaamkaas lagu sharqaynayay , waxa lagama  maarmaan ah in golaha guurtida iyo golaha wakiilada la siiyo awood intay imminka haystaan aad uga dabad.  Gaar ahaan, waa in golayaashu xaq buuxa u yeeshaan inay "reerarka curiaan”.

 SAAMI QAYBSIGA GOLAHA WAKIILADU:

  • Saami qaybsiga golaha wakiiladu wuxuu ku dhisanyhay  laba xaqiiqo oo jira:

Tirada dadka gobolada, amma tirada (average) codbixiye-yaashaa ( 5tii doorasho ee u dammbeeyay).

  • Baaxadda dhulka oo iyana wax ka soo qaad leh.

QOONDADA DUMARKA IYO DADKA LAGA TIRDA BADANYAHAY

  • Waxaan ku talin lahaa in Dumarka iyo DLTB loo qoondeeyo tiro siman lixda gobal – labda Gole.
  • Xubnaha Dumarka iyo DLTB ee G. Guurtida Iyo Baarlamanka ha lagu kordhiyo tirade aan la qoondayn ee caadiga.  

Xasan Cabdi Yousuf



[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...