Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Oo Booqanayo Koonfur Afrika

0
Monday January 23, 2023 - 11:57:29 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 517
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Oo Booqanayo Koonfur Afrika

    "Koonfur Afrika waxay qorsheyneysaa in dhoolatus militeri oo dhanka badda ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Koonfur Afrika waxay qorsheyneysaa in dhoolatus militeri oo dhanka badda ah"



Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergei Lavrov ayaa markii ugu horreysay booqanaya dalka Koonfur Afrika tan iyo markii uu Ruushka ku duulay Ukraine, Koonfur Afrika wey ka gaabsatay inay dhaleeceyso tallaabada Ruushka.

 

Ruushka wuxuu xiriir taariikhi ah la leeyahay xukuumadda Pretoria, Mr Lavrov ayaa lagu wadaa in uu wadahadallo la yeesho dhiggiisa Koonfur Afrika, Naledi Pandor.

 

Waxaa la qorsheeyay dibadbaxyo looga soo horjeedo Ruushka in lagu qabto afaafka hore ee dhismaha wadahadallada lagu qabanayo.

 

Koonfur Afrika waxay qorsheyneysaa in dhoolatus militeri oo dhanka badda ah ay si wadajir ah ula sameyso Shiinaha iyo Ruushka.


Loading...
Loading...