Dawlada Hoose Ee Hargaysa Oo Fariin Digniin Ah Udirtay Gaadiidlayda & Sababta

0
Monday January 23, 2023 - 09:21:15 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1123
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Hoose Ee Hargaysa Oo Fariin Digniin Ah Udirtay Gaadiidlayda & Sababta

    "Arinta ay sameeyeen gawaadhidani waa arin ay ku mutaysteen ganaax adag"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Arinta ay sameeyeen gawaadhidani waa arin ay ku mutaysteen ganaax adag"

 

 

Hargaysa (HWN) Dawlada Hoose ee Hargaysa ayaa diginin udirtay gaadiidlayda Magaalada Hargaysa, oo ay sheegeen in ay baabuurta dhigtaan meelo loogu tala galay dadka oo baabuurtu aanay ahayn in ladhigto, sida ay ku sheegeen qoraalkan ah saaka soo saareen.

 

"Arinta ay sameeyeen gawaadhidani waa arin ay ku mutaysteen ganaax adag iyo Xadhig ,Dhammaantood Waxay Dusha uga baxeen goobihii aanu ugu Talogalnay in ay dadku maraan.

 

Fadlan Muwaadin haddii gaadhigaaga loogu yimaado isago oo Barking ahaan u dhigtay goobaha aanu dadka u samaynay waxa aad mutaysanaysaa ganaax iyo ciqaab xadhig ah.

 

Goobtan looma samayn baabuurta,mana aha goob aad gaadhiga dhigato ee fadlan Darawal ka feejignoow arimaha noocan oo kale ah.”

 

Magaalada Hargaysa ayaa waxa ka jira samxad badan oo mararka qaar kood sababta in wadooyinku xidhmaan, taasi oo lagu eedeeyo in Dawlada Hoose aanay waxba ka qaban



Loading...
Loading...