Eritrea Oo Ciidankeeda Kala Baxday Qeybo Ka Mid Ah Gobolka Tigray
Ciidamo aad u tiro
badan oo ka socda dalka Eritrea ayaa ka baxay magaalada Shire ee gobolka Tigray
ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay ku dagaallameen iyaga oo taageeraya ciidamada
dowladda labadii sano ee la soo dhaafay ee uu socday dagaal sokeeye, sida ay
wakaaladda wararka ee Reuters u sheegeen mid ka mid ah dadka deegaanka iyo laba
ka mid ah shaqaalaha samafalka.
Joogitaanka ciidamada
Eritrea ayaa loo arkayay inay caqabad weyn ku tahay nabad waarta, inkastoo
bishii November heshiis xabbad-joojin ah ay wada gaareen dowladda Itoobiya iyo
ciidamada gobolka Tigray, kaas oo uu qeyb ka ahaa in askarta shisheeye laga
saaro gobolka Tigray.
Dagaalka Tigray ayaa la
aaminsan yahay inay ku dhinteen tobannaan kun, haddaysan ahayn boqollaal kun oo
qof, malaayiin qofna ay ka barakaceen guryahoodii.
Ilaa hadda ma cadda in
dhaq-dhaqaaqa ay ciidamadu ka sameeyeen Shire oo ka mid ah magaalooyinka ugu
waaweyn Tigray-ga uu qayb ka yahay ka bixitaanka Eritrea ee gobolka iyo inay
tahay xeelad kale.
Goobjoogayaal iyo
sarkaal Itoobiyaan ah ayaa bishii hore sheegay in askarta Eritrea ay ka
baxayaan Shire iyo laba magaalo oo kale oo waaweyn, laakiin qaar badan ay weli
joogaan gobolka.
Wasiirka Warfaafinta ee
Eritrea Yemane Gebremeskel kama jawaabin codsi ahaa inuu ka jawaabo su'aalo la
xiriira arrintan.
Qof ka mid ah dadka
deegaanka Shire ayaa sheegay in subaxnimadii hore ee saaka ilaa 5-tii galabnimo
la arkayay kolonyo Eritrean ah oo ka baxaya magaalada.
"Waxaan tiriyay
300 oo baabuur," ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo codsaday in
aan magaciisa la sheegin sababo ammaan dartood. "Waxay la baxeen hubkoodii
cuslaa, sidoo kale." ayuu raaciyay.