Dhakhaatiirta Ilkaha Oo Ka Digay Arrin Ay Sameeyaan Dadka Qaar
Dhakhaatiirta ku
takhasusay ilkaha ayaa BBC u sheegay in qalabka caagga ah ay dadka ilkaha ku
xirtaan uu saameyn ku reebo ilkahooda, qalabkan ayaa laga codsadaa Online-ka.
Mid kamid ah dadka
isticmaala qalabka ilka-gashiga ayaa sheegay in ilkihiisa ay nuglaadeen isla
markaana uu awoodi waayay in uu cuno tufaaxa.
Smile Direct Club, oo
ah shirkadda ugu weyn ee iibisa qalabkan, ayaa sheegaysa in uu toosiyo ilkaha
si ka dhakhso badan isla markaana ka qiimo jaban birihii ilkaha la gashan
jiray.
Shirkadda waxay intaa
raacisay in dad badan oo adeegsaday qalabka ay ku guuleysteen.
Laakiin dhakhaatiirta
ilkaha qaarkood iyo dhakhaatiirta lafaha waxay aaminsan yihiin in macaamiisha
waxa loogu yeero daryeelka ilkaha aysan ka warqabin waxyeellada ay keeni karaan
birahan loo yaqaanno aligners haddii uusan qofka ku rakibin dhakhtar aqoon u
leh arrintaas.
Jamie, oo ah aabbe
kasoo jeeda Glasgow, ayaa u tagay dhinaca Smile Direct Club (SDC) ka dib markii
laga soo xigtay uu ilkihiisa in uu toosiyo uu ku bixiyay £4,000-£6,000 oo
lacagta giniga Ingiriiska ah.
Shirkadda
orthodontics-ka ee adeegyadeeda ku iibisa Online-ka fadhigeeduna yahay
Maraykanka ayaa bixinaysay qalabka ilkaha la gashto ee cad, waxayna dadka ka
qaadeysa ailaa £1,800 lacagta giniga Ingiriiska ah iyada oo aan loo baahnayn in
la arko dhakhtar ku takhasusay.
Sida laga soo xigtay
xarunta Smile Direct Club, waxay sare u qaadeen helitaanka qalabka daryeelayo
ilkaha iyo afka "waxaana u suurtogashay inay dawo siiyaan in ka badan 1.8
milyan oo qof, iyadoo dadka adeegsaday aysan wax dhibaato kala kulmin".
'Tufaaxa ma ruugi karo'
Laakiin Jamie hadda
waxa uu sheegay in uusan mar dambe adeegsan doonin. "Ilkaheyga xitaa kuma
ruugi karo tufaaxa sababtoo ah uma maleynayo in ilkheyga ay sidii hore ka xoog
badan yihiin," ayuu yiri.
Kahor inta uusan
bilaabin daawaynta waxaa loo soo diray xirmo qalabka ah si uu ugu qurxiyo
ilkihiisa.
Laakiin lix bilood ka
dib, wuxuu barta Reddit kusoo qoray: "Mid kamid ah dhoolasheyda ayaa
marooray, ciridkeyga qaab kale ayuu u ekaaday waxay u muuqatay in qalabka uu
xoqay ilkaheyga, waxaana i xanuunay ciridka".
Sida caadiga ah waxay
aheyd in qalabka loogu talagalay in ilkaha la gashto ay dhakhatiir takhasus u
leh dadka u geliyaan, dhakhaatiirtana waxay eegaan caafimaadka unugyada adag
iyo kuwa jilicsan ee afka, ilkaha iyo cirridka, iyo haddii xididdada ilkuhu ay
sii wadi karaan dhaqdhaqaaqa, waa qaar ka mid ah arrimaha ay dhakhaatiirta
ilkuhu tixgeliyaan, waxayna adeegsadaan raajito.
Marka qof bilaabo
xirashada biraha ilkaha, ballamaha joogtada ah ee uu la sameynayo dhakhaatiirta
waxay u oggolaanayaan in lala socdo xaaladda caafimaad ee qofka.
Dr. Victoria Sampson oo
ah dhakhtarad ilkaha qaabilsan ayaa sheegaysa in dadka isticmaala qalabkan ay
dhayalsan karaan dhibataada ka dhalan karta. haddii baaritaan lagu sameynayo
ciridka iyo ilkaha, dadka waxay halis u yihiin inay lumiyaan qaar ka mid ah
ilkahooda.
Waxay sheegtay in ay
daweysay qof iligga hore uu ka dhacay ka dib markii uu adeegsaday qalabkan
ilkaha la gashto ee laga dalbado Online-ka sababta qofkaas si deg deg ah ayuu
ilkahiisa uga bixiyay qalabka.
Waxay intaa raacisay in
xididdada ilkaha ay ku fadhiyaan ay aad u gaaban yihiin sidaa darteed uma
adkeysan karaan cadaadiska qalabkan.
BBC