Sida loo sameeyo duco nidaamsan oo saxan;

0
Sunday January 22, 2023 - 10:38:01 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 909
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sida loo sameeyo duco nidaamsan oo saxan;

    Saliga Nabiga (s.c.w) ku biloow ducadaada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saliga Nabiga (s.c.w) ku biloow ducadaada.


1.Marka hore u jeeso dhanka qiblada.

2.Waxa aad carabka ka dhaxeyso si yaqiin leh u dheh adigoo dareenkaada meel kale aadeyn inta aad ku guda jirto ducada.


3.Ducada waxaad ku bilowdaa amaanta Alle ileyn waa asiga qofka aad wax ka dooneyso.

4.Saliga Nabiga (s.c.w) ku biloow ducadaada.

5) Gacmaha kor u taag, calaacashaada kala bixi hana isku xidhin calaacalahaaga oo isku laab farahaaga, gacmahana ha u dhawayn wejigaaga ama meel fog ha ka fogeyn, Muuji khushuucdaada iyo daciifnimadaada iyo inaad tahay mid aan waxba aheyn Alle la'aantii.

6) Wax kasta oo aad Allaah weydiisaneyso isticmaal magaca ama sifada Alle ee ku habboon baahidaada, Tusaale ahaan, waxaad Alle weydiisanaysaa inuu wax kugu arsaaqo.

Waxaad dhahdaa Yaa Rasaaq (midka wax irsaaqow isii waxaa iyo waxaa).
Hadii danbi dhaaf aad weydiisaneyso waxaad dhahdaa yaa Qafuur oo macnaheedu tahay kan wax walba cafiya oo saamaxa hadba waxa aad dooneyso ku dar magaciisa ku aadan waxa aad weydiisatey.

7.Waxaad ka baridaa inuu dambigaada dhaafo waayo dambigaada oo bata waxey hoos u dhigeysaa fursadii ducadaada lagu aqbali lahaa.

8.Weydiiso waxwalba oo aduun iyo Aaqiro aad dooneyso.

9. U ducee dadka kale ee Muslimiinta kuna dar ducadaada waayo qof kale hadii aad u duceyso Malak ducadaada maqlaya ayaa yiraah "Allow sii waxa uu walaalkiisa ugu duceeyay oo kale.

10.Ku soo gunaanud ducadaada Saliga Nabiga (s.c.w).

Mohamed Sufi Guudle


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...