Hayadda Sirdoonka Waa Dhib iyo Dheef Dadka iyo Dalku u Wada Baahan Yahay

0
Sunday January 22, 2023 - 10:39:14 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 869
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hayadda Sirdoonka Waa Dhib iyo Dheef Dadka iyo Dalku u Wada Baahan Yahay

    Shaqaalaha hayadda sirdoonka qaranka waxey baaristeedu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shaqaalaha hayadda sirdoonka qaranka waxey baaristeedu


Sirdoonka uu qaranku iska leeyahay waxaa u adeega hawlwadeeno rayida oo dalka gudahiisa uga shaqeeya adeegyada sirdoonka lagu sugayo amniga, waxeyna shaqadooda ugu weyn ay tahay dhowrista amniga dadka, dhaqangelinta sharciga, iyo xaqiijinta sareynta sharciga dastuurka dalka. Shaqaalaheedu waa booliis dharcada oo baaraya dembiyada, wuxuuna sharcigu awood u siinayaa iney dembiileyaasha xiri karaan, dhegeysan karaan isgaarsiintooda, baari karaan, shirqooli karaan, masaafurin karaan, iyo iney xanibi karaan hantidooda ama qabsan karaan agabkooda, waxaana lagama maarmaan ku ah sirdoonka iney hawlgaladaas ay wada shaqeyn kala yeeshaan wasaaradda cadaalada iyo garsoorka.



Shaqaalaha hayadda sirdoonka qaranka waxey baaristeedu quseysaa dembiyada qaranka, waxeyna wada shaqeyn kala dhexeysaa gacansiinta barista dembiyada ka dhaca maamul goboleedyada. Hayadu ma yeelan karto xabsiyo u gaara oo ay dadka ku xirato in kasto ay leedahay awood ay dadka ku xiri karto, waxeyna sida badan xariga dadka u adeegsataa ciidanka booliska oo awood sare u leh xirida dadka, waxeyna hayadda nabadsugidu ciidankeeda dharcada ah ka ilaalisaa iney si toosa ugu lug yeeshaan xirida dadka iyo ka soo muuqashada maxkamadaha, waxeyna macluumaadka barista dembiyada ay soo ururiyaan gacanta u geliyaan booliska, gaar ahaan qeybtooda dembi baarista iyo xeerilaaliyaha guud, wuxuuna agaasimaha hayadda sirdoonka uu la wadaagaa xogaha sirdoonkooda madaxweynaha oo keliya iyo hadba wasiirada dowladda oo ay quseeyso xogahaas.


Sirdoonka nabadsugida waxey hawlgalkooda ugu badan u qabtaan badqabka dadka iyo ilaalinta xoriyadahooda iyo xuquuqahooda rayidka, iyagoo kahortegaya dembiyada dadka loo geysto sida burcadnimada, dilka, argagixinta, sinji naceybka, dagaalka, dhaqanka wuxuushnimada, afduubka, si xun u adeegsiga da’yarta, dhaca indhosarcaadka, baada, xatooyada hantida gaarka loo leeyahay, jirdilka, iskudayga dilalka qoreysan, mukhadaraadka, xanibaada suuqyada ganacsiga iyo isku socodka dadka, rabshadaha qaska iyo dhaca wata, kooxaha faldembiyeeydyada u abaabulan, dhileysiga iyo xoog uga ganacsiga jirka, iyo tacadiyada ka dhaca guriga ee lagu waxyeeleeyo caruurta, waayeelka, iyo haweenka.


Waxey sidoo kale hayadu ay adeeg naftihurida u sameeysaa la shaqeynta ciidanka mileteriga oo ay ku taakuleyso xogaha sirdoonka difaaca dalka, waxeyna sidoo kale adeego baaxad weyn ay ka geysataa badbaadinta jiritaanka qaranka iyo ismaamulida madaxbanaanida dowladeeda, iyadoo hawsheeda ugu weyn oo labaad ay tahay ururinta xogaha sirdoonka oo si cilmiyeysan loo soo baaray, kuwaas oo quseeya dhagarta gudaha iyo dibeda dalka laga maleegayo, iyo dembiyada hawlgabka looga dhigayo adeegyada maamulka dowladda sida musuqa xoolaha dadweynaha iyo hantida qaranka, basaasnimada, waxyeeleynta dhaqaalaha iyo kaabayaasha horumarineed, shirkadaha dembiyada loo adeegsado, hubka sharcidarrada iyo walxaha qarxa, kontrobaanka iyo lafakashada canshuurta, farsameynta lacagta beenta ah iyo beenabuurka dokumentiyada dowladda, musuqa doorashooyinka, soogelida dalka sharcidarada ah, buracad badeedka, ku xadgudbida sharafta calanka, haysashada dokumenti sharcidarro iyo lebiska sharcidarrada dharka ciidanka, dembiyada Internetka, shirqoolada madaxda, faafreebka sirta qaranka, dembiyada dagaalka, ladagaalanka argagixisada, dabargoynta dhirta iyo xaasidnimada lagu waxyeeleynayo xoolaha, qiyaanada qaranka, iyo amniga dhaqaalaha dalka.


Qaladaadka ugu weyn oo ay sameyso Hayadda sirdoonka iyo nabadsugida waxaa ka mid ah iney ku shaqeyso u adeegida danaha shaqsiyadeed ee siyaasadaha madaxda, meesha looga baahan yahay iney u shaqeyso oo keliya danaha guud ee waxtarka u ah wanaaga ummadda iyo maslaxadda qaranka. Dhaawaca ugu weyn waxey hayada sumcadeeda ka soo gaartaa marka ay dhacdo sharci ahaan iney ku shaqeyso awood ka sareysa sharciga dalka u degsan oo ay xadgudubyo ugu geysaneyso xoriyadaha iyo xuquuqaha dadka, gaar ahaan mucaaradka ka soo horjeeda maamulxumada, taloxumada, iyo hogaanxumada madaxda dalka ay ku xukumayaan dowladda. 

Waxaa ceeb ku ah hayadda sirdoonka iyo sugida amniga iney si qaawan xoog kula wareegto awooda ay u xilsaaran tahay gudashada hawlaha fulinta waajibaadka ciidanka booliska qaranka, waxaana sidoo kale ciidanka dharcada ka reeban iney dharka ciidanka astaanta u ah ay ku labistaan, taas oo meesha ka saareysa falsafada sugida amniga sirdoonka, halisna ku ah badqabka hawlwadeenada sirdoonka iyo nabadsugida oo muuqooda iyo macluumaadkoodu ay muuqdaan.


Hayadda sirdoonka iyo nabadsugida waa halbowlaha hawlaha rayidka iyo dowladda, waana wanaaga ugu watarka weyn iney hawlaheedu xiriiriyaan amniga dadka iyo dalka, sidaas daradeed sharciga lagu dhisayo waxaa ka reeban in hayadda sharci ahaan loogu ansixiyo iney sameyso sida ay doonto xadidaad la’aan, taas oo ka dhigeysa iney noqoto mid u xuubsiibata u adeegsiga falal dambiyeedyada loo abuuray iney la dagaalanto, sida dilalka qorsheysan ama caburinta xoriyadaha iyo xuquuqaha dadka ama qeyb ka noqoshada cabsigelinta, dhaca hantida dadka, iyo boobka codadka doorashada. Waxaana ka fiirsasho u baahan mariinka la marinayo sharciyada lagu ansixinayo hawlgaladeeda oo ka dhigi kara ama mid dadka cadaab u horseeda ama ka dhigi kara mid ka hufan dulmi oo xushmad iyo ixtiraam ay dadku kalsooni ugu qabaan adeegyadeeda. Ha la ansixiyo sharci ahaanteeda, balse ha laga fekero sidii dadka looga badbaadin lahaa iney u adeegsato awoodo xad dhaafa oo aan lahayn cid kala xisaabtanta kutakrifaladeeda.


Dr. Saciid Ciise Maxamud

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...