Beelaha Soomaaliyeed (Jaarso iyo Gari Koombo)

0
Sunday January 22, 2023 - 10:37:00 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1519
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beelaha Soomaaliyeed (Jaarso iyo Gari Koombo)

    Ujeeddo: Dhul Boobka Gari Koombo Iyo Jid-Waaq

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ujeeddo: Dhul Boobka Gari Koombo Iyo Jid-Waaq



Gari Koombow! Taariikhdu waa marag, oo soo-yaalku waa markhaati nool.


 

Gari Koombow! Tulli-guuleed, waa hubaal, oo idinka oo miisaan kali ah sidta, ayaad soo deggteen. Miisaan baaskaasna, beesha Jaarso, ee Direed, ee Soomaaliyeed, ayaad saracooda ay soo tabcadeen, ee ay u soo dhidideen, ee min qoditaankiisii, goyntiisii, daabulaaddiisii, tumiddiisii, soo jawaaneyntiisii iyo soo xammaaliddiisii ilaa Tulli Guuleed, ay ku soo dhabar-jabeen, ayaad si xaaraan ahayd ugu gamba-gambeyn jirteen; oo aad kaga dhici jirteen.



 

Gari Koombow! Wax aan miisaankaas xun ka ahayn, waa hubaal, oo Tulli Guuleed lama aydinaan imannin, oo runtaas idinkuna waad og tihiin; annaguna ma moogin.


 

Gari Koombow! Beeshaas Jaarso, ee Direed, ee Soomaaliyeed, haddii ay idin yidhaahdaan: ”Gari Koombow, miisaankiinna qaadta, oo nagala guura,” wallee xaq ayay idiinku leeyihiin; waanad istaahishaan.


 

Sababta oo ah, intii aad ku dul-noolaan kareyseen, ee aad dhiig-miiran kareyseen; wallee beeshaas Jaarso, ee Direed, ee Soomaaliyeed, wallee waad ku soo dul-noolaateen; oo waad soo dhiig-miirateen.


 

Gari Koombow! Beesha Jaarso, ee Direed, ee Soomaaliyeed, beeshii aad shaley didsan jirteen, ee Axmaarada aad u soo adeegsan jirteen, ee aad u talin jirteen; wallee beeshu maanta ma ahan; oo beesha waad baraarujiseen; oo nabarradii aad horey ugu geysateen, ayaad xoqdeen, oo aad damaqdeen.


 

Gari Koombow! Fitno innaga huruddey, ayaad inagu soo kiciseen’e; waa waxa aad ka heshaan!


 

Gari Koombow! Dabkan aad haddeer huriseen, waa hubaal, oo tolkiin Jid-Waaq, ayaa idinkula guban doona. Sababta oo ah, idinka iyo Jid-Waaquba, dhac beeleysan iyo dhul-boob reereysan, ayaad deegaannadaas ka geysateen, oo beelo badan, ayaad beera-kiciseen; oo aad bara-kiciseen.


 

Gari Koombo iyo Jid-Waaqow! Dhaaxaad inta aad Axmaaro soo adeegsateen, dhaaxaad rag xabbisteen, oo dhaaxaad rag leyseen, oo dhaaxaad dhul ay Habar Jecle iska leedahay iyo dhul ay Habar Awal iska leedahay, dhaaxaad xoog-Axmaareysan ku boobteen, oo dhaaxaad daba-dhillifnimo-Axmaareysan aad ku dhaxal-wareejisateen.


 

Gari Koombo iyo Jid-Waaqow! Ka hor intii aydinaan Axmaaroobin, ee aydinaan bahaloobin, ee aydinaan Axmaarada noogu soo daba-dhuumannin, ee aydinaan nagu soo fidsannin, waa hubaal, oo beeraha Habar Jecle, ee Ruke, Koojaaraha, Horufadhi, Qabuuraley, Malowle ilaa Geellaa, waa hubaal, oo way isku wada muuqan jireen.


 

Gari Koombo iyo Jid-Waaqow! Beeraha Habar Jecle, ee Koojaaraha iyo Harooreys, wallee beeri uma aanay dhaxeyn jirin. Teeda kale, beeraha Koojaraha iyo Harooreys inta u dhaxeysana, wallee geela Habar Jecle ayaa daaqi jirey.


 

Gari Koombo iyo Jid-Waaqow! Isaaq haddii la yidhaahdana, beerahoodu ilaa Jigjiga, dhinaca ayay isku wada hayn jireen; oo beer aanu Isaaq lahayn, waa hubaal, oo deegaannadaas lagama qodi jirin.


 

Gari Koombo iyo Jid-Waaqow! Magaaladeer Jigjigana, odayaashii Habar Jecle, ee dabadood aan la hadli jirin, waa hubaal, oo raggii ay dhaleen iyo tafiirtoodiiba, wallee haddeer way dhaqan yihiin; oo way idin arkaan, oo way idin maqlaan.


 

Iiguma dambeyn:

 

Gari Koombo iyo Jid-Waaqow! Qoys kasta, oo Isaaq, wallee beertiisii iyo baradiisii, wallee in aanu illowsaneyn, oo Tulli Guuleed ayaad haatan ka hadleysaan’e, wallee Jigjiga ayaa dhawaan la iskugu iman doonaa – bi idni Allaah.


 

 

Tixgalin mudnaan badan leh.


 

Maxamed Sheekh Daahir


 

[email protected]


https://tashiwanaag.com/


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...