Somaliland Oo Kordhisay Cashuurta Ay Ka Qaado Jaadka Itoobiya, Hoosna Udhigtay Cashuurta Miirooga

0
Sunday January 22, 2023 - 09:44:01 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1457
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Kordhisay Cashuurta Ay Ka Qaado Jaadka Itoobiya, Hoosna Udhigtay Cashuurta Miirooga

    "Sidoo kale waxa la sheegayaa in Itoobiya dhankeeda kordhisey cashuurta jaadkeeda"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sidoo kale waxa la sheegayaa in Itoobiya dhankeeda kordhisey cashuurta jaadkeeda"



Hargaysa (HWN) Somaliland ayaa kordhisey cashuurta ay ka qaaddo Jaadka uga yimaada Itoobiya halka ay hoos udhigtay cashuurta qaadka uga yimaada wadanka Kenya.

 

Somaliland ayaana halkii kiiloo ee jaadka Itoobiya ku cashuuri jirtay  SLSH11000 halka imika ay ka dhigtay SLSH 28000.

 

Dhanka kale Somaliland waxay hoos udhigtey cashuurta jaadka Mirooga ee Kenya oo markii Hore halka kiiloo ahaa (1KG)  ahaa SLSH 39,000 oo isna Immika laga dhigey SLSH 28000.

 

Sidoo kale waxa la sheegayaa in Itoobiya dhankeeda kordhisey cashuurta jaadkeeda yimaadda Somaliland.

 

Somaliland ayaa cashuurta jaadka Itoobiya ka heshey cashuur ku dhaw $50 million Sannad kii, halka lacagta jaadka ay reer Somaliland ku iibsadaan ee Itoobiya loo diro lagu qiyaaso in ku dhaw $500 million sannadkii. 



No description available.

Loading...
Loading...