Ganacsade Maxamed Jabuutaawi Oo Dirayska Ciidanka Ku Soo Labistay
Hargaysa (HWN)
Ganacsade Jabuutaawi oo ku sugan Magaalada Laascaanood kana mid ah ganacsatada
jaadka keena Somaliland ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Laascaanood ayaa ku soo
labistay dirayska Ciidamada.
Ganacsadaha ayaa
sawirkan uu dirayska xidhanyahay aad loogu falan qaynayaa maanta baraha
Bulshada, iyagoo dadka qaar ku sifaynayaan in ganacsaduhu muujinayo sawirkiisane
xaalad colaadeed, halka dadka qaarna ku amaameen faalooyinka ay ka bixinayaan
iyagoo sheegaya in qanacsaduhu dadkiisa la dareen yahay manta.
Sawirkan Ayaan ku soo
beegmaya xili wax garad badan oo ka soo jeeda Beesha Dhulbahante ay ku soo qul qulayaan
laascaanood, iyadoo xukuumada Muuse Biixina ay uga digtay in aan Laascaanood lagu
qaban Karin shirar ka dhan ah Somaliland.