Muse Xal Ma Keeni Karo Oo Wuxuu Jabay Maalintuu Wadani Xabbadda La Dhacay.
Qof walba ficilooyinkiisu iyo himilooyinkiisu waxay ku tusaysaa Halkuu ku socdo. Wuu kusoo talagalay muddo dheer inuu wadanka (Radical change) ka SAMEEYO sida Dunida a wadamo badan KASOO dhacday, inuu ujeeddadiisa fuliyo hadduu ku dhimanaayo wey ka goantay. Inamadiisa qaarna hub kuma hubeeyeen qaarna lacag isagoo cadawgiisa koobaad ku sheegay reer Wadani.
Hubaal Doorasho urur iyo mid xisbi midna maaha wuxuu u JEEDAA. Teamka UU xushay wadanka waa ARKAYSAAN waa kuwaa xitaa goboladii iyo dadkoodii UU dabqabadsiiyey ee hadli KARIN, suleiman Gaal iyo ina KAAHIN way u qataaran yihiin. Mohamed KAAHIN hadalkiisii dalabta lahaa ee UU la dabajoogay Xisbiga Wadani iyo Ucid maanta wuxuu la horjoogaa Daraawiishtii reer Ssc. Somalidu Waxay Tidhaa Nin Laba Reer Oo Wada Yaal Kala Raraa, Reer Maqan Ma Keeni. Bamkaa Ka Qarxay Daraawiishland Weligii Miridh Tiristiisu Way Tig-Tig Lahayd Waxayna Sugaygaysay Inta Beesha Dhexe Kala Dhaqaaqayso.
Beesha Dhexe Garashadoodu Garx Ajis Bay Ahayd Maanta Intii Kale Lax-Madax La Bay Noqdeen, Sharcigii Yaraa Ee Kala Dhinnaa Roobkay U Dhigeen, Caruurtii Aan Hubaysnayn Waa Alshabaabay Yidhaahdeen Oo Xabbad Bay La Dhaceen, Hadaba Dhulbantay Xabbaddii Ula Tageen Oo La Dhaceen.
Alahayaw Maxay Noqon Ninkii Awrkii Lacagsiistay.
Alahayaw Maxay Noqon Ninkii Dalkii Jagooyin Siistay.
Sheekadaasi Way Dhammaa Tay.
M Bashe
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!