Qaybtii 1-aaad ee sheekadii qaarada!

0
Saturday January 21, 2023 - 11:05:29 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 464
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaybtii 1-aaad ee sheekadii qaarada!

    Alla maxaa gawaad iyo gawaadad is-garabfadhiya!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Alla maxaa gawaad iyo gawaadad is-garabfadhiya!

Goortu waa habeenimo Goobtuna waa geyiga Faransiiska (gumaystihii weynaa) gaar ahaana magaalada Baaris oo caasimadda jacaylka loo garan-ogyahay! Dabcan, dadka gabal ka mida ah, gaar-ahaana gaalada ayaa u garawsan naanaystaas.


Waa amin danbe, goor-sheegtuna waxay soo gurguuratoba waxay ku siisiqaysaa 3-dii habeenimo oo gaw ah.



Dhulku waa madaw, waxaana jira gudcur maararowle ah balse meeshu waa Baariis oo guluubada wadooyinka ayaa geeswalba ka widhwidhaaya oo w'a ah.


Dadku badi way gama'sanyihiin balse maahan gidigood! Anigu waan guura gararaclaynayaa, hada ayaaba uu habeenku ii bilaamay!


Waxa aan kasoo rawaxay goobta shaqadayda.

Shaqadaydu waa mid ka mida shaqooyinka aduunka ugu adag, ugu kulul ee ugu waqtiga xun!

Waxaan ahay roodhile/moofoole/furinle ama kuug roodhida duba! (Rooti qudha maaha, wax kasta oo la dubo, bur ka samaysan isla markaana aroortii dadka kalahsan quudan karaan ayaan sameeyaa).

Googooyntii iyo dubistii ayaan so dhameeyay!


Daal, diif, gaajo iyo harraad ayaa iga muuqda! Waxa aanan u luudi rabaa dhinacaa iyo goofkayga balse wax gaajo biiya ama gasiin gawska lagu qabto, xitaa galaan biyo ahna dhehoo midna igama horreeyo!

Waa iskaabulo iyo garteede waan u gama' tagaa uun guriga!


Waxa aan go'aansaday in aan goobo, oo goonyaha ka dayo goob lagu caweeyo si aan casho, wax la calaashto iyo wax la cabbo mid uun uga helo.

.

Waa gaahi! Iyo meel gabaahiira oon gaal mooyee ciirsi kale ka dhawayn!

Waar la isku gel! Oo gubad iyo gelgelin noqoto! Yaa naga siiya wax aan lafahayaga u cunno?

Aniga ayaa naftayda kula gurxamaayey erayadaas iyo kuwa kale oo aanan hadda xasuusan.

Wax aan soo gucleeyaba waxa aan gees ka halacsaday goob aan garanwaayey!


Waxaad moodaa gaaf aroos, taasi oo dadab xaga hore ku xidhantahay, illaa raarta danbena dadku labo labo isu hor-kamadhuudhaan. Yaab!


Guuxa hoose iyo gunuunuca ayaan markiiba ka gartay in aanay goob wanaagsan ahayn.

Irridda hore ama illinka ayaan soo istaagay si aan u hubiyo Illeen hubsiimo hal ayaa la siistaay!


Ma hudheel baa? Maqaaxi miyaa ? Ma aroos baa ? Baar miyaa? Waday oo waday oo garanwaayey wax aan ku tilmaamo! Maxaa waaye se maxay suubinooyaan! ayaan hoosta ka idhi ano is reer xamaraynaaya.


Waxaan isku dayey in aan gudaha galo ama gundhada u gudbo si aan gunta usoo taabto!

Haweenay gafuurka taagaysa (i huruufaysa) iyo gaadhka (waardiyaha) oo giir iska kicinaaya, (cadho ka muuqato) ayaan gees maray oo gadaal u dhaafay!


Guluubo midabo gooni-gooniya bixinayaa, dumar guudka sii daystay iyo rag galaasyo dhaadheer gacmaha ku sita ayay markiiba indhahaygu qabteen!

Alla maxaa gawaad iyo gawaadad is-garabfadhiya!


Lasoco -----------------

Zultan Zakir

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...