Bal miyad ii noolatan! | Qaybtii 1aad

0
Saturday January 21, 2023 - 11:00:25 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 509
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bal miyad ii noolatan! | Qaybtii 1aad

    Xamdi waxa ay la joogta edaday, suhaybna waxa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xamdi waxa ay la joogta edaday, suhaybna waxa


Waxan ahay Gabadh Dhalinyara, oo hooyadeed iyo Aabbaheed aanay u noolayn. Aabbo Wuxu geeriyooday anigo todoba bilod jira. Hooyana, anigo laba Gu‘ jira. Waxa ila dhashay laba caruurra. Xamda iyo suhayb. Labaduba way iga wa weyn yihin. Geeridii Hooyo dhawr maalmodun kadib, aya nogu danbaysay inanu meel kuwada noolano.


Anago yaryar aya lana kala qaatay, sida alaabtii guriga taalayba loo kala qaatay. Maalintan kaso guurnay guriganu deganayn, ayan kaso guuray farxadii nolosha aan kulaha. Malintaas ma dareensanayn, oo wan yara, lakiin mardanbe ayan dareemay inan soo buuxsaday Kiishash muruga.

Xamdi waxa ay la joogta edaday, suhaybna waxa uu la jooga abtigay. Anigu waxa aa an la joga adeerkay. Adeero wuxu qaba Islan yaro aad is odhanayso ma Intixaan adduunya, macnaha iska kulkulul. Hayskaba kululate, iska dhib badan. Waxaanu ku kala noolnahay saddex Guri oo kala duwan. Anu kuba kala noolane, xamdi waxa ay ku nooshahay magaalo kale.

Suhaybna, waxa uu ku nool yahay magaladan deganahay geeskeda kale. Mudo ismanu arag, oo waxa iskugu kaya danbaysay shan sano ka hor. Marmar aya laga yaba inanu mobilka Edo iska maqalno, waa hadiiba ay Edo ii wacdee. Haddii kalana iyagaba iso waca.

Xamdi, Inta badan iyada naso wacda oo xaalkayga kaso war doonta. Anigu waxan ku jira marxaladii Dhalinyarnimo. Waxan iskala daala dhacaya Waalid iyo Walaal la’aan. Xilligani, waa xilliga qofku uu qado Waddadii mustaqbalkisa qabaynaysay. Waa xilliga uu qofku u bahan yahay Waalid iyo Walaal ka weyn oo waniya, una sheega hadiyo goor wixii mustaqbalkiisa u wanagsan. Waa xilliga ay u sahlantahay qadiida Waddo aan noloshisa anfacaynin. Waa xilliga inta badan qofka dhalinyartii u nugul yahay, waayaha iyo walbaharka adduunka.

Hadiii ay inun murugo jirto, waxaan laso koray murugo. Heer waxa aan gaadhay mararka qaar intan anigu istaabto, is hubiyo inan qof ahay iyo inan murugo ahay. Caruurnimadii, haddii ay adiga ku tahay xasuuso iyo Wakhti qurux badna, aniga waxa ay i ahayd waayo iyo Nolol adag.

Waxaan laso koray oo laso kacaamay, dareemo kala duwan oo murugadun la xidhidha. Waa suurto-gal inaad maqashay magaca MURUGO, lakiin wali murugo ma dareentay? …. Haa wan dareemi kara, marka aad waydo shay ad jeclayd inad hesho, inay murugo ledahay.
Ma dareentay se urugo?…

Mise magacan wali mabad maqal? Urugadu waa heer ka sareeya murugada, kana dhasha marka ay murugadu soo noqnoqoto. Tan iyo maalintan dabka ka badhay, waxa aan la nolahay dareenka murugada. Bal adu murugadaydan magac u bixi.

Marna afkayga kamay soo bixin kelmada HOOOYO ama AABBO!. Bal sawiro adigoon waliga helin fursad aad Hooyo ama Aabbo aad ku tidhaado!!!

Markan arko caruurta aanu isku da‘da nahay oo Hooyo ama Aabbo leh, waxa i damqan jirtay meel aniga iyo Rabbi oo kaliyi, aanu isla ognahay. Habeennada qaar intan saqda dhexe iska kaco, ayay indhahaygu ilmayn jireen. Si qofka igu xige i ag hurda aanu ii dareemin, waxaan u jeesan jiray dhanka gidaarka. Waagu sidaasu igu beryi jiray habeenno badan….

Qaybtii 1aad

Sheekada : Bal miyaad ii noolatan!


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...