Somaliya Ma Ku Hadhaysaa Buuhoodle Iyo Sool Haddii Somaliland Uga Hadho?

0
Saturday January 21, 2023 - 10:35:36 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1440
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliya Ma Ku Hadhaysaa Buuhoodle Iyo Sool Haddii Somaliland Uga Hadho?

    Jawaabty Waa : Maya .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jawaabty Waa : Maya .

Somaliland hadii ay buuhoodle uga hadhay somaliya oo ay moodayso in ay somaliya intaas kaga hadhayso .


Maanta waxay ogaatay inaan maamulka somaliya sidaas kaga hadhayn oo ay maanta Laascaanood doonayaan in ay qabsadaan .

Somaliland qalad weyn ayay ku jirtaa .


Waayo?

Hadii ay reer Laascaanood wax tabanayaan oo ay leeyihiin xuquuq baa naga maqan oo aanu doonaynaa waa wax la fahmi karaa oo laga wada hadli karaa.

Laakiin calan kale ayaanu ka taagaynaa Laascaanood

Wax la aqbali karo maaha

Iyo madaxweyne kale ayaanu leenahay iyo

dal kale ayaanu ka tirsanahay.

Wax la aqbali karo maaha .



Waxay arintaasu ka hor imaneysaa jiritaanka iyo gooni isu taaga iyo madax banaanidii iyo calankii somaliland.

Waa arin u baahan in la soo afjaro .

Hadii maanta wax laga qaban waayo arintaas

Soomaaliya oo sheeganaysa weli somaliland

Oo doonaysa ilaa zaylac in ay qabsato

Waxa u bilaabmay oo u hirgalay qorsheheedii .

Jiritaan dal waxa weeye in uu xuduudaha dalkiisa sugo

Oo xoog weliba ku sugo .


Waxyaabo aan gorgortan lahayn baa jira oo ay ka mid tahay xuduuduhu.

Dawladnimadu waa xoog iyo sharciga oo xoog lagu fuliyo oo aan baryo iyo wada hadal lahayn .

Maanta imtixaankii ugu horeeyay jiritaanka somaliland ayaa horyaala

Bal aynu eegno


Waxa ay ka qabtaan arintan ku saabsan jiritaankaiyo arinka jabhadda khaatumo iyo ssc iyo ictisaam oo dalkeena gudihiisa ku dhex jirta oo caruuraheena dugsiyo u furtay oo waxa ay doonaan ay ku shubaan .

Masiirkii iyo jiritaanka iyo madax banaanidii iyo gooni isutaagii iyo dawladnimadii somaliland arinkaas Laascaanood ayay ku xidhan tahay

Waa arin masiiriya.


Xukuumada Somaliland waa inay gacan bir ah ku qabataa Laascaanood oo weliba buuhoodle iyadana xoog ugu soo celisaa xuduuduhii somaliland.

Hadii kale maalinba gobol ayaa ku biiri doona Soomaaliya .

Qalabkii hore u dhacay maantana yaanu dhicin .



 

 

 

Cali Maxamed Biixi

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...