Kooxda Juventus Oo Laga Jaray 15 Dhibcood
Kooxda Kubadda Cagta
Juventus ayaa 15 dhibcood laga jaray xilli ciyaareedkan, kadib markii ay
maxkamad ku taalla dalka Talyaani ay baaritaan ku heshay khaladaad ka dhacay
qaabkii ay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda uga soo iibsan jirtay ciyaartoyda,
taas oo keentay in kooxda ugu guulaha badan Seria A-da ay hoos ugu dhacdo
kaalimaha hoose ee kala horreynta horyaalka.
Juventus ayaa ka
dhacday kaalinta 10-aad markii laga jaray 15 dhibcood, iyada oo markii hore ku
jirtay kaalinta saddexaad, laheydna 37 dhibcood.
Xukunkan ayaa sumac
xumo ku ah kooxda caanka ah ee Juventus.
Maxkamadda ayaa sidoo
kale 11 ka mid ah agaasimeyaashii hore iyo kuwa hadda ee Juventus ka mamnuucday
maamulka Kubadda Cagta wakhtiyo kala duwan.
Waxaa ka mid ahaa
Andrea Agnelli oo toddobaadkan loo beddelay guddoomiye kadib markii uu si rasmi
ah u casilay bishii Nofembar guddoomiyhii hore oo lagu xukumay 24 bilood iyo
agaasimihii hore ee isboortiga, Fabio Paratici, oo hadda ah maamulaha kubada
cagta ee kooxda Premier League ee Tottenham Hotspur oo lagu xukumay 30 bilood.
Juventus ayaa dafirtay
inay khalad samaysay waxayna sheegtay in dhaqankoodu uu waafaqsan yahay
heerarka Kubadda Cagta.
VOA