Liiska Tobanka Waddan Ee Ugu Qanisan Adduunka Oo La Shaaciyay
Waa kee waddanka
adduunka ugu hantida badan? Ma sahlana in jawaab sax ah laga bixiyo su‘aashan
balse qiyaas ahaan waxaa jira liis ay ku xusan yihiin dalalka ugu hodansan
caalamka.
Hay’adda Lacagta
Adduunka(IMF) iyo shirkadda Visual Capitalist ayaa soo saaray liis ka kooban
193 dal oo lagu muujiyay sida ay dalalka caalamka u kala dhaqaale badan yihiin.
Soomaaliya iyo dalal
kale oo sabool ah ayaan ka dhex muuqan liiskan. Waxaase mowduucan loo kala
qaaday labo qeybood oo lagu kala sheegay dalalka si guud ugu dhaqaalaha badan
iyo waddamada shacab ahaan qaniga ah marka loo eego dhaqaalaha usoo xarooda
dalalkooda.
Si kale haddii loo
dhigo, hantida dalka waxa lagu qiimeeyaa wax-soo-saarka guud ee dalka oo afka
qalaad lagusoo gaabiyo (GDP). Hadaba GDP-ga waxaa lagu xisaabiyaa iyadoo lagu
cabbiro wax soo saarka dalka ee badeecadaha iyo adeegyada muddo cayiman. Waxa
loo arkaa in ay tani tahay cabbbirka lagu qiyaaso hantida dalka.
Waa cabbir si weyn
loogu isticmaalo dhaqaalaha adduunka. Waxaa ka mid ah macluumaadka ku saabsan
inta ay le'eg tahay canshuurta ay dowladdu hesho iyo inta lacag ee ay dowladdu
ku bixiso qaybaha ay ka midka yihiin waxbarashada iyo caafimaadka iyo arrimo
kale.
Haddaba waxaa laga
yaabaa in ay jiraan su'aalo ku saabsan cabbirka noocan ah. Laakiin iyadoo laga
duulayo xogta laga helay qiyaastan, waxaa la heli karaa macluumaadka tobanka
waddan ee adduunka ugu qanisan.
Marka loo eego xogta
Oktoobar 2022 ee Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF iyo Visual Capitalist, liiska
tobanka waddan ee ugu qanisan adduunka ayaa loo diyaariyey sida soo socota:
10-ka dal ee ugu
qanisan caalamka
1. America, 25.035
trillion Doolarka Maraykanka
2. China, 18.321
trillion Doolarka Maraykanka
3. Japan, 4.301
trillion Doolarka Maraykanka
4. Germany, 4.031
trillion Doolarka Maraykanka
5. India, 3.469
trillion Doolarka Maraykanka
6. Britain, 3.199
trillion Doolarka Maraykanka
7. France, 2.778
trillion Doolarka Maraykanka
8. Canada, 2.2 trillion
Doolarka Maraykanka
9. Russia 2.113
trillion Doolarka Maraykanka
10. Italy, 1.99
trillion Doolarka Maraykanka
Hadaba taasi waa
dalalka ugu qanisan marka la eego hantida guud ee dalkaasi haysto balse waxaa
jira qaab kale oo lagu cabbiro qaninimada waddamada, maxay tahay?
Waa hantida kusoo
aadaysa qof walba hadii loo qaybiyo hantida uu dalku leeyahay tirada dadkiisa,
taasina waxay ka dhigantahay inaan ogaan karno sida ay waddamadu ukala qanisan
yihiin iyadoo la eegayo hantida calaa qof kusoo aadaysa hadii shacabka dalkaas
loo qaybiyo dhaqaalaha guud ee dalka, waxaana qaabkan loo yaqaannaa (GDP per
capita).
Marka loo eego (GDP per
capita) liiska kor ku qoran wuu is badalayaa waayo waxaa saameynaya tirada
shacabka ee dalku leeyahay maadaama loo qaybinayo lacgtii guud ee dalkaas
tirada shacabkiisa.
Wadamadee ugu qanisan
marka la eego GDP per capita?
Marka lagu qiimeeyo
qaninimada wadamada (GDP per capita) sidan ayey u kala sareeyaan:
1. Luxembourg
2. Singapore
3. Ireland
4. Queue
5. Macau
6. Switzerland
7. Norway
8. United Arab Emirates
9. Brunei
10. America
Marka laga reebo
Maraykanka hal dal oo ku jiray liiska tobankii dal ee ugu qanisanaa kamasoo
muuqan liiskan. Hadda labada liisba Maraykanku wuu kasoo muuqday balse inkastoo
Maraykanku yahay Dalka ugu dhaqaalaha badan caalamka, kaas oo leh boqolkiiba 20
GDP-ga caalamka; hadana Maraykanku kaalinta 10-aad ayuu kasoo galay liiska
labaad.
BBC