CIRRO Oo Xukuumada Muuse Uga Digay In Aanay Shacabka Xoog & Xabad U Adeegsan

0
Friday January 20, 2023 - 14:58:00 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 809
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CIRRO Oo Xukuumada Muuse Uga Digay In Aanay Shacabka Xoog & Xabad U Adeegsan

    "Waalidka Rooda aan la kullannay waxa ay nooga warbixiyeen dhibta soo gaadhay inanta"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waalidka Rooda aan la kullannay waxa ay nooga warbixiyeen dhibta soo gaadhay inanta"


Hargaysa (HWN) Musharaxa Madaxwayne ee XIsbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi "Ciro” ayaa maanta dhakhtarka ku yaala Hargaysa ku booqday gabadh ay ciidanka Somaliland ku dhawaceen mudaharaadkii dhawaan ka dhacay Magaalo madaxda Gobolka SOOL ee Laascaanood.

 

Waxaanu Ciro xukuumada Muuse ee muddo kordhinta ku fadhiga uga digay in aanay shacabka xoog iyo xabad u isticmaalin.

 

Waxa aan maanta ku booqannay dhakhtarka Manhal Speciality Hospital ee Caasimadda Hargeysa Rooda Cabdikariin Aadan Warsame oo ka mid ahayd Shacbigii ku waxyeelloobay ee ay dhaawacyadu ka soo gaadheen dibadbaxyadii silmiga ahaa ee dhawaan ka dhacay Magaalada Laasacaanood.

 

Waalidka Rooda aan la kullannay waxa ay nooga warbixiyeen dhibta soo gaadhay inanta, waxa aan Ilaahay uga barinnay in uu u boogo dhayo dhaawaca iyada intii kale ee ku waxyeellowday, intii dhimatayna Alle u naxariisto.

 

Marwalba, Xukuumadda waqtigeedu dhammaaday, waxa aan uga digeynaa in Shacabka dareenkooda muujinaya aan xoog iyo xabad lagala hor iman.” Ayuu  yidhi.

 

Xaalada Magaalada Laascaanood Ayaan ilaa hada loohelin xal lagu xaliyo, waxaana todobaad yadii ugu dambeeyay ku sugan Laascaanood tiro wasiira ah oo uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudah Somaliland, halka dhinaca kalana ay ku sugan yihiin garaadadii ugu badnaa ee beesha Dhulbahante .



 

 

Loading...
Loading...