Kal-Fadhigii 39 Ee Golaha Wakiiladda Somaliland Oo Saaka Furay

0
Saturday March 09, 2019 - 13:23:47 in News by
  • Visits: 1633
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kal-Fadhigii 39 Ee Golaha Wakiiladda Somaliland Oo Saaka Furay

    Kal-Fadhigii 39 Ee Golaha Wakiiladda Somaliland Oo Saaka Furay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kal-Fadhigii 39 Ee Golaha Wakiiladda Somaliland Oo Saaka Furay


Hargaysa(HWN)Fadhigii Maanta Ee Golaha Wakiiladda somaliland oo uu shirguddoominayay guddoomiyaha golaha baashe Maxamed Faarax ayaa Mudanayaasha loogu qaybiyay Ajandaha Kal-fadhiga 39-aad.


Ajandaha Loo Qaybiyay ayaa Mudanayaashu maalinta bari ah waxa ay ka yeelan doonaan Dood Xasaasi ah oo ay kaga hadlayaan Xaaladda Dalka Wakhti Xaadirkan ay marayso iyo Waliba Xaaladda Dibadda Iyo Waliba Siyaasadda Ay Somaliland ku wajahayso Dunida.



Fadhigan ayaa maanta Mudanayaasha loogu qaybiyay Ajandaha Kal-fadhiga 39aad,waxaana uu guddoomiye baashe oo fadhiga shir-guddoominayay sheegay in maalinta bari ah laga yeelan doono dood xasaasi ah.


Mudanayaasha aqalka golaha wakiilada somaliland ayaa saaka ka soo laabtay fasaxoodii Caadiga ahaa oo qaatay mudo laba bilood ah waxaana ay hadda gali doonaan Xeerarka ku jira Ajandaha 39 oo cod gacan taaga ah ku Ansixin doonaan Xeerarka ku jira sida loo soo kala horaysiinayo.

Loading...
Loading...