"Xaalada Laascaanood Ha Loodaba Fadhiisto Gud. C/risaaq Khaliif"

0
Friday January 20, 2023 - 09:49:32 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2011
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xaalada Laascaanood Ha Loodaba Fadhiisto Gud. C/risaaq Khaliif"

    "Galaydh wuxu raadinaayay Somaliland lawada leeyahay sidii loo heli laha"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Galaydh wuxu raadinaayay Somaliland lawada leeyahay sidii loo heli laha"



 "Dhawaaqi Cali Khaliif Galaydh ee aha "Waar Hooyaay” lama weelayn, siyaasigii ugu waynaa ayuu aha Degaanada Sool iyo Buhoodle, Galaydh wuxu raadinaayay Somaliland lawada leeyahay sidii loo heli laha, isagoo u arkay in danta shacabka Dhulbahante sidaa ku jirto, Garaadka Guud Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaado kalena way ku tageersanayeen talladoodi oo ay soo uruuriyeen Galaydhna Oday ka aha waxay la galeen Somaliland waxaana saxeexay Madaxweyne Siilaanyo oo Kulmiye aha nasiib darro Xukuumaddii kale ee Kulmiye heshiiskii ma fulin mana muunayn miisaanku lahaana lama siin, Galydhna maanta waa marxuum tii Alle u timi isagoo aanay u hirgalin himiladii waynayd ee hagaastay.

 

Maanta siyaasiga ugu wayn uguna culus degaanka Sool, Buhoodle waa Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed Guuleed, Shakhsi aan danno u gaarana eeganayn masiirka ummaddiisa ee ah inay si dhaba oo wax lawada leeyahay ku dhisan Somaliland ku heshiyaana ay dhab-ka tahay weeye. Talladu waxay tahay Guddoomiye Khaliif haloo dabafadhiisto xajada, wixii uu ku taliyana ha la qaato. Igabadhan.” Muniir Axmed Cigaal

 


Loading...
Loading...