Kooxda TPLF Ee Itoobiya Oo Sheegtay In Ciidamada Eritrea Ay Wali Ku Sugan Yihiin Gobolkooda
Xisbiga Tigray People’s
Liberation Front (TPLF), ayaa beeniyey hadal ka soo yeeray dhex dhexaadiyaha
Midowga Afrika, Olusegun Obasanjo, kaasoo ahaa in ciidamada Eritrea ay isaga
baxeen waqooyiga gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, kaddib heshiis lagu soo
afjarayo laba sano oo dagaal sokeeye ah.
Obasanjo ayaa u sheegay
Financial Times usbuucii hore in "dhammaan ciidamada Eritrea" ee ka
barbar dagaalamayey ciidamada federaalka Itoobiya dagaalkii Tigray ee qarxay
bisha Noofambar ee sanadka 2020-ka ay dib ugu laabteen xudduudda Eritrea.
Si kastaba ha ahaatee,
Prof Kindeya Gebrehiwot, oo ah sarkaal ka tirsan kooxda TPLF, ayaa saaka soo
galiyay sawirka askarta Eritrea oo la sheegay inay ku sugan yihiin magaalada
Shire.
"Xaqiiqdu waxay tahay
in ciidamada Eritrea ay weli joogaan Tigray, ma joogaan xudduudaha! Sawirkan oo
dhawaan soo baxay, ayaa muujinaya ciidamada Eritrea ee ku sugan Shire.
Tigray waxay dhiibeen
hubkii cusaa, ciidamada Eritereeya waxay ahayd inay ka baxaan Tigray, sida uu
dhigayo heshiiska," ayuu yiri.
Hadalka Obasanjo, ayaa
sidoo kale waxaa beeniyay afhayeenka kooxda TPLF Getachew Reda, oo sheegay in
saraakiisha AU-da ay tahay in ay "shaqadooda qabsadaan marka hore, ka hor
inta aan la sheegin hadalkaas".
Ciidamada TPLF, ayaa
hub aad u culculus ku wareejinayay ciidamo ka tirsan dowlada federaalka, taasi
oo qeyb ka ah heshiiskii nabadeed ee maamulka Ra’isul wasaare Abiy Axmed.
Dhinaca kale TV-ga lagu
magacaabo Dimtsi Wayane ee ay maamusho kooxda TPLF, ayaa sheegay in kooxda
Axmaaradu ay ku qasbayaan shacabka ku dhaqan dhulka lagu muransan yahay, ee u
dhexeeya gobolada Tigreega iyo Axmaarada inay isu diiwaan galiyaan qoomiyada
Axmaarada.
Gobolka
Wolkayit-Tsegede, ayaa waxaa qabsaday ciidamada Axmaarada intii uu socday
dagaaladii sokeeye ee sababay rabshado lagu hoobtay.
BBC