Xukuumada Soomaaliya Oo Ansixisay Heshiis Ay Kala Saxeexdeen Soomaaliya Iyo Masar
"Heshiiska ay goluhu qalinka ku duugeen ayaa la filayaa in uu qeyb weyn ka qaato dib u dhiska"
Golaha Wasiirrada ee
xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shalay ansixiyay heshiiska is af-garad-ka
ee iskaashiga Tiknoolajiyadda iyo Boostada ee ay horay u kala saxiixdeen
dowladaha Soomaaliya iyo Masar.
Heshiiska ay goluhu
qalinka ku duugeen ayaa la filayaa in uu qeyb weyn ka qaato dib u dhiska
kaabayaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya.
Shirka Golaha
Wasiirrada oo uu hoggaaminayay Raysul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ahna ku
simaha Raysul Wasaaraha ee xilligan, Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale lagu
meel mariyay hindise sharciyeedka dhowriska maalgashatada iyo maalgashiga.
Loading...
Loading...