Maraykanka Oo 'Khad Cas' Ku Tilmaamay In Shiinuhu Ku Lug Yeesho Dagaalka Ukraine

0
Friday January 20, 2023 - 09:17:42 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 586
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka Oo 'Khad Cas' Ku Tilmaamay In Shiinuhu Ku Lug Yeesho Dagaalka Ukraine

    "Sarkaalka Maraykanka ayaa sheegay inay ka warheleen warbixino ku saabsan duulimaadyo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sarkaalka Maraykanka ayaa sheegay inay ka warheleen warbixino ku saabsan duulimaadyo"


Mareykanka ayaa uga digaya Shiinaha taageerada dhinaca amniga iyo saadka ah ee uu u fidinayo Ruushka taas oo Moscow ay u isticmaalayso dagaalka ay ka waddo Ukraine, iyada oo Maraykanku uu sheegay inay arrintaasi tahay khad cas.

 

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya, xilli uu xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanku uu ku sii jeedo caasimadda dalka Shiinaha ee Beijing horraanta bisha soo socota.

 

Xoghaye ku xigeenka difaaca ee Maraykanka u qaabilsan Shiinaha Michael Chase ayaa la hadlay Song Yanchao, oo ah ku xigeenka agaasimaha xafiiska Shiinaha ee iskaashiga caalamiga ah ee Milateriga, sida laga soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Maraykanka oo ka gaabsaday inuu magaciisa sheego.

 

Wadahadallada milateri ee dhexmaray Maraykanka iyo Shiinaya ayaa imanaya iyada oo Maraykanku uu si dhow ula socdo go'aamo kasta oo ka yimaadda dalka Shiinaha oo ku saabsan codsiyada taageerada amniga ee uga imanaysa Ruushka. Sarkaalka Maraykanka ayaa sheegay inay ka warheleen warbixino ku saabsan duulimaadyo badan oo ay diyaaradaha alaabooyinka waaweyn qaada ee Ruushku ay ku tageen Shiinaha.

 

VOA


Loading...
Loading...