'' Halgankii Snm, Qalbigu Ma Halmaami Karro ''. Ahmed Nour Guruje

0
Tuesday June 18, 2019 - 09:42:50 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1598
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Halgankii Snm, Qalbigu Ma Halmaami Karro ''. Ahmed Nour Guruje

    Sanadihii 1976-77 waxa wadanka Itoobiya kasoo qaxay malaayiin qof oo u dhashay qawmiyadaha Soomaalida iyo Orromada ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sanadihii 1976-77 waxa wadanka Itoobiya kasoo qaxay malaayiin qof oo u dhashay qawmiyadaha Soomaalida iyo Orromada ,

kuwaasoo badankoodu degey Degmooyinka ,Hargaya , Gabiley iyo Boorame , sidoo kale waxay degeen Degmada Baladwayne ee Soomaliya .


Qiyaas ay samaysay haayadda qaxoontiga u qaabilsan Aduunku sanadii 1988 , Soomaaliya waxay noqotay wadanka Aduunka oo dhan uu joogo qaxoontiga ugu badani , kaasoo laggu qiyaasay in 4 qofba wadanka midi yahay qaxoonti .



Hadaba Taliskii waagaas ee Maxamed Siyaad , markuu ku qancay in aan la helayn dhulkii Soomaali galbeed , wuxuu qaatay siyaasad ah , in dhulka qaxoontiga la dejiayay ay la wareegaan qaxoontiggu , dadka degena lagga barakiciyo ..


Siyaasadaa iyadoo la fulinayo , qaxoontiyadii waxaa la dejiyay meelaha biyaha leh ee udhaw magaalooyinka waawayn , sidda ..

- Biya xidheenka hargaysa

- Saba-cad .

- Agabar .

- Adhi cadays .

- Boorame iyo meelo kale oo badan .


Dadkaas waxaa loo sameeyey deegaamayn rasmiya , waxa loo sameeyey maleeshiyaad hubaysan , waxaa loo sameeyey daryeel ka sareeya ka magaalooyinka , waxa loo fuddeeyeyay qaadashada taysarooyinka iyo helista shaqooyinka .


10 sanno ka dib , waxaa la dejiyay qorshe laggu dejinayo qaxoontigaas , Sheekh , Oodwayne , Beer iyo Caynaba .


waxa kale oo la diyaariyay in Banka saraar lagga sameeyo saldhig wayn oo eeroobdh leh oo lagga difaaco qaxoontigaas .


Dadkii soo dhaweeyey qaxoontigga waxaa lagga joojiyay helista sahqooyinka hoose , qaxoontiga ayaana laggu wareejiyay .


Dhacdooyinkaas oo faahfaahsan waxaa lagga heli karaa , buuga sababihii burburka ( orromo) , taariikhdii kacdoonkii uffo , waraysigii Bbc Dr Gaboose iyo warqadii geerida ee uu qoray Gen Moorgan .

ugu danbayn iyado arrintu meel halisa marayso , ayuu dhacay dagaalkii 1988 SNM ku burburisay taliskii maxamed siyaad .


Hadii aan snm halgankaas naf hurista ah gelina , sidii qorshuhu ahaa maanta Hrgaysa , Berbera iyo Boorame dadka ku nooli fiise ayuu kusuu geli lahaa , sidaa darteed halganki snm ee ka badbaadiyay umadan in sidda falastiin la barakiciyaa maaha mid qalbigu halmaami karro


W/Q: Ahmed Nour Guruje



AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...