Maxaa Lagu Xasuusan Doonaa Agaasime Gurxan Oo Uu Xilka Ka Qaaday Muuse Biixi?
Agaasimaha Guud ee hore
Wasaaradda Horumarinta Maaliyada Somaliland Md Maxamed Cabdi Gurxan, Waxa uu
ahaa Agaasime Guud ee Maaliyada Somaliland tan iyo Dabayaqaadii sanadkii 2018
oo Madaxwayne Biixi u Magacaabay Xilkaasi, tan iyo Waqtigaana Waxa uu ahaa mishiinka
halbowlaha u ah Shaqada soo xareynta Dakhliga Cashuuraha isagoo Ka
faa'iideysanaya khibradiisa laamaha Dakhli uruurinta ee uu Madaxda kasoo noqday
sida Kastanka Berbera iyo Xafiiska Cashuuraha Bariga ee Gobolka Maroodijeex
taas oo u sahashay inuu noqdo shakhsi Kala yaqaana shaqaalaha garanayana Isla
markaana haya xogta hadii Dakhli la lunsanayo sida looga hortago loona
ilaaliyo, Waxa uu kulabaxay Naanaysta ah (Gaadh hayihii Dakhliga Qaranka).
Waxaana taas markhaati
Ka ah sida aanay Miisaaniyada Qaranka isu dhimin iyadoo aduunyada mudadaas uu
Ka dhacay Xanuunkii Covid19 ee saameyn Ku yeeshay dhaqaalaha Aduunyada, arinta
kale ee Cadeynaysa ayaa ah sida uu ugu kalsoonaa Wasiir Dr Sacad Cali Shire oo aaminsanaa inuu u qalmo jagada
Wasiirnimo ee Maaliyada markii uu Ku qancay kartidiisa iyo khibradiisa Maamule
ee mudadii uu Ku dhexjiray Maaliyada.
Agaasime Gurxan Waxa
kale oo lagu xasuusanaya doorkii shariifka ahaa ee kulahaa In nidaamka Dakhli
ururrinta iyo kharash isticmaalka Dawlada laga dhigo mid la keydiyo oo la
ogyahay Caawa dakhligii soo xarooday adeegyadaasi oo kor u qaaday in musuqa
lala dagaalamo Lana ogaado Miisaaniyada sida loo kharash gareeyo (BFM-ka)
iyadoo Wasiirka iyo Masuuliyiinta kale iyo Shaqaalaha Wasaaradaba doorkoodii
qaateen, laakiin isagu Waxa uu dheeraa Maadaama uu shaqadii u horeysa
Wasaaradda Ku yimid Horumarinta nidaamka casriga ah ee xiligii Wasiir Eng
Maxamed Xaashi Cilmi Waxa ahaa dadkii fuliyey qorshayaashaasi.
Bulshada reer
Somaliland way ogyihiin awoodii uu galin jiray shaqada Qaranka isaga Xataa
galinka dambe shaqeyn jiray.
Dhalinyaro badan ayuu
siiyey fursad ay Ku maamuleen Laamaha Dakhli uruurinta Wasaarada sida
Kastamada, waaxyaha hubinta Dakhliga, Cashuuraha Bariga iyo shaqooyinka kale ee
muhiimka ah taasoo Wasiir Dr Sacad Cali Shire iyo Wasiiradii kale ee ay Soo
wada shaqeeyeen Ku ma jeerteen sida uu u ahaa Hawlkar Qaranka u adeegay.
Nin ma qaato amaan aanu
lahayn Gurxan oo Ku suntanaa shaqo wanaag hawlkarnimo iyo daacadnimo uu
muujiyey mudadii uu xilalka Kala duwan
Ka hayay Wasaaradda Maaliyada JSL.
Waxa uu siyaasada Ka hor ahaa Macalimiintii Magaalada
Hargeysa ugu wanaagsanaa, Waxa kamid ahaa Dhalinyaradii waxbaratay ee Fursada
ay Qaranka ugu shaqeynayaan Ka helay Xukuumadihii Kala dambeeyey ee Xisbiga Kulmiye.
Waxa uu Shaqada
Wasaarada Maaliyada Kasoo bilaabay Shaqaale, xiligii uu Madaxwayne Axmed
Siilaanyo talada dalka hayey Wasaaradana
Maaliyada Somaliland uu hogaaminayey Eng Maxamed Xaashi Cilmi, tan iyo
Xiligaasi Waxa Ka dhex ahaa Wasaaradda ileys isaga iyo Koox dhalinayro ah oo
Xiligaasi la hawlgaliyey.
Maamulihi Cashuuraha
Bariga ee Gobolka Maroodijeex ayuu ahaa xilkii u horeeyey ee loo Magacaabo
waxaana Magacaabay Wasiir Maxamed Xaashi isagoo shaqadaasi si heer ah uga so baxay.
Wasiir Cabdicasiis
Maxamed Samaale ayaa isna u Magacaabay xilkii ugu Weynaa waqtigaasi ee qof
dhalinyaro looga dhiibi Wasaarada Maaliyada Somaliland waaba Maamulaha Kastanka
Berbera oo goobta Dakhliga ugu badan Somaliland kaso Xeroodo waxaanay Xilkaasi
hayey tan iyo intii ay Dalka Maamulaysay Xukuumadii Madaxwayne Siilaanyo
waxaanu sidoo kale lasoo shaqeeyey Wasiir Marwo Samsam Cabdi Aadam oo iyaduna
Ku qanacday inuu sii hogaamiyo Kastanka Berbera, iyadoo uu Waliba helay fursado
shaqo oo Ka lacag badan Shaqada Qaranka balse uu doortay in umada usii
shaqeeyo.
Xukuumada Madaxwayne Biixi Markii ay xukunka
la wareegtay ayaa Xilkaasi laga qaaday, Maxamed Cabdi Gurxan muu noqon
Masuuliyiinta Wasaarada Horgadhiista xil sugayaasha ah ee wuu shaqo tagay
waxaanu qeyb Ka noqda Maamulka Dp World Berbera shaqadaas oo isaga oo haya
Madaxwayne Biixi Xilka Agaasimaha Guud ee Maaliyada u Magacaabay Dabayaqaadii
sanadkii 2018 Xilkaasi Oo Madaxwayne Biixi Ka qaaday todobaadkan iyadoo aan la
ogeyn Sababta keenaya Xilka qaadistiisa bulshaduna su'aalo badan iska
weydiinayso balse ay tahay awood dastuuri Oo Madaxwaynuhu Leeyahay'' sikasta hbaa ahaatee Waxaanu rajaynaya inuu
Wasaaradda Maaliyada Somaliland Ka gaadhi doono idamka Alle Xil Wasiirnimo ah
oo ah darajada uga dhiman ee Xilalka Wasaaradda Horumarinta Maaliyada
Somaliland.
Qore
: Cabdikariim Siciid Saalax.
Agaasime
Maxamed Cabdi Gurxan:
(Gaadh
hayihii Dakhliga Qaranka).
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!