Mid ka mida culimadii hore ayaa la weydiiyey ( sideed u aragta Imaan Cali Binu Abii Daalib?)

0
Thursday January 19, 2023 - 11:06:57 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 975
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid ka mida culimadii hore ayaa la weydiiyey ( sideed u aragta Imaan Cali Binu Abii Daalib?)

    Caalim: Wakhtigee ayuu qofku ugu dhawyahay Alle?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caalim: Wakhtigee ayuu qofku ugu dhawyahay Alle?




-Caalimkii ayaa ku yidhi ninkii weydiiyey:

Caalim: Ii sheeg ugu horreyn meesha ugu fadliga badan dhulka?

Saa'il: Guriga Alle ( Masaajidka ).


Caalim: Meeshee ayaa ugu fadli badan guriga Alle?

Saa'il: Mixraamka.

Caalim: Waa maxay camalka ugu fadliga badan Alle agtiisa?



Saa'il: Salaada.

Caalim: Salaade dhib ku ah dadka?

Saa'il: Salaada subax.

Caalim: Wakhtigee ayuu qofku ugu dhawyahay Alle?

Saa'il: Xilliga sujuuda.


Caalim: Xubinkee ugu sharaf badan jidhka?

Saa'il: Madaxa.

Caalim: Waa halkee meesha ugu sharafta badan ee aynu Alle ugu dhawaano?

Saa'il: Wejiga.

Caalim: Bishee ayaa ugu fadli badan bilaha?

Saa'il: Bisha Ramadaan.


Caalim: Habeenkee ayaa ugu fadli badan?

Saa'il: Habeenka laylatul-qadriga.

Caalim: Dhimashadee ayaa ugu kheyr badan Alle agtiisa?

Saa'il: Shahaadada(shahiid) ka.


Markii uu intaa yidhi ayey illin kasoo daadatey indhaha sheekha wuxuuna yidhi:


I dhageyso walal ( Imaam cali Alle ha sharfo wejigiisa) Wuxuu shahiidey Ramadaan,Habeen laylatul-qadri ah,Masaajid dhexdii,Mixraamka dhexdiisa,Salaad subax weliba xilligii sujuuda ( ayuu ku dhuftey gaalkii madaxiisii sharafta badnaa).


Haddii aad jeceshay ( Imaam Cali Binu Abii Daalib ) Wejigaaga Alle ha karaameeyo.


Turj: Khaalid Khaliif

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...