Wasaarada Maalgashiga oo Qaabishay Shirkadda Hamburg Port oo ka Socotay dalka Jarmalka

0
Thursday January 19, 2023 - 10:54:58 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 845
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaarada Maalgashiga oo Qaabishay Shirkadda Hamburg Port oo ka Socotay dalka Jarmalka

    Wefdiga oo u hogaaminayey Safiirka JSL ee dalka Jarmalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wefdiga oo u hogaaminayey Safiirka JSL ee dalka Jarmalka



Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Md. Maxamed Cismaan Siciid ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socday Hamburg Port Company.


Wefdiga oo u hogaaminayey Safiirka JSL ee dalka Jarmalka Md. Mustafe Yusuf Ismaciil ayaa ka koobna Mr. Lars Greiner Madaxa qaybta Africa iyo Mrs. Christine Prieser Madaxa qaybta iibka.




Hamburg Port Company oo ah Shirkad dawladeed ayaa la sheegay inay maalgelin ku samayso in ka badan 140 dekadood iyo madaaro caalamka ah.


Agaasimaha Guud Md. Maxamed oo warbixino ka siiyay wefdiga ayaa uuga waramay horumarka balaadhan ee ka socda Dekadda iyo Free Zone ka Berbera iyo samaynta Aagaga warshadaha gaara ahaan Hargeisa Industrial Zone oo diyaar ah.


Waxuu sidoo kale u ballanqaaday in Jamhuuriyadda Somaliland markasta diyaar u tahay, soona dhawaynayso Maalgalin dhinaca Horumarinta Dekaddaha ah.


Wefdiga Jarmalka ayaa la filayaa mudadda ay dalka joogaan inay soo kormeeraan Dekedda Berbera iyo Aaga cashuuraha ka caagan ee Free Zone.

Loading...
Loading...