Raysal wasaaraha New Zealand oo si lama filaan ah ugu dhawaaqday in ay xilka ka degayso

0
Thursday January 19, 2023 - 10:39:40 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 447
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal wasaaraha New Zealand oo si lama filaan ah ugu dhawaaqday in ay xilka ka degayso

    Ms Ardern, oo 42 jir ah, ayaa sheegtay inay wakhti ku qaadatay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ms Ardern, oo 42 jir ah, ayaa sheegtay inay wakhti ku qaadatay



Jacinda Ardern ayaa ku dhawaaqday inay iska casilayso xilkaraysal wasaaraha New Zealand bisha soo socota, iyadoo sheegtay inaysan hadda haynin "awood "ay ku sii hoggaamiso dalka.


 

Waxay ka tagi doontaa hoggaanka xisbiga shaqaalaha ugu dambayn 7-da bisha Febraayo. Waxaa jiri doona codayn maalmaha soo socda si loo go'aamiyo qofkii bedeli lahaa .New Zealand waxay qaban doontaa doorasho guud 14-ka Oktoobar.



 

Ms Ardern, oo 42 jir ah, ayaa sheegtay inay wakhti ku qaadatay inay ka fikirto mustaqbalkeeda fasaxii xagaaga.


 

"Waxa aan rajaynayay in aan helo waxa aan u baahnaa in aan ku sii wado muddadaas, laakiin, nasiib darro, ma helin," ayay u sheegtay wariyaasha..


 

Ms Ardern ayaa noqotay haweenaydii ugu da’da yareed dunida markii loo doortay xilka ra'iisul wasaaraha 2017, oo da’deedu ahayd aged 37 jir.


 

Waxayna sanad kadib noqotay hogaamiyihii labaad ee loo doorto aduunka ee abid umusha iyadoo xilka haysa.


 

Intii ay xilka haysay waxaa soo maray dalkeeda New Zealand, musiibada Covid-19 weerarkii masaajidka magaalada Christchurch iyo foolkaano ka dhacday jaziiradaha dalkaas.


 

"Kow waa inaad dalkaaga hoggaamiso wakhtiga nabadda, iyo wakhtiga dhibaato," ayay tiri Jacinda.


 

Waxay sheegtay in ay jireen culeyso fara badan hase-yeeshee xalintooda loo maray hab wanaagsan iyadoo u dhaqmin kaliya in ay maamul tahay, laakin muujisay in ay la dareentay shacabkeeda dhibaato kasta.


 

Ms Ardern ayaa xisbiga Labour-ka ku hogaamisay guul weyn oo doorasho ah sanadka 2020-ka, balse caannimadeeda gudaha ayaa hoos u dhacday bilihii la soo dhaafay heerar cusub, marka loo eego ra'yi ururin la sameeyay.


 

Si kastaba ha ahaatee Ms Ardern ayaa ku sheegtay iscasilaadeeda sababo la xiriira in aaminsan tahay in xisbiga Labour-ku uusan ku guuleysan karin doorashada, oo ay la tahay in ay taasi dhici doonto. "Waxaan u baahanahay garabyo cusub oo loolama," ayay tiri.


 

Hoggaamiye ku xigeenka Grant Robertson ayaa sheegay in aanu tartami doonin doorashada xisbiga ee Axadda dhacaysa.


 

Raysal wasaaraha Australia Anthony Albanese ayaa ku amaanay Ms Ardern hoggaamiye caqli, xoog iyo naxariis leh.


 

"Jacinda waxa ay u doode adag u ahayd New Zealand, dad badan ayay dhiirri-gelin u ahayd, saaxiib weyn ayayna ii ahayd," ayuu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.


 

Ms Ardern waxay dul-martay guulaha ay dawladeeda ka gaartay isbedelka cimilada, guriyaynta bulshada iyo yaraynta saboolnimada carruurta kuwaas oo ay si gaar ah ugu faani jirtay.


 

Laakin waxay waxay sheegtay in ay rajeynayso in dadka dlkeedu ay ku xasuusan doonaan in ay ahayd qof dadka u naxariisata.


 

"Waxaan rajeynayaa inaan ka tago New Zealand anigoo aaminsan inaad noqon karto mid naxariis badan, laakiin xoog leh, dareen leh oo go'aan qaadasho leh, rajo leh laakiin diiradda saaraya wanaagga,” ayay tiri. Ardern.

bbc/somali

Loading...
Loading...