Taariikhdii Doorashooyinkii Somaalilaan U Soo Qabsoomay Iyo Rajoxumida Ku Gedaaman Doorashooyinkan Maanta Cakiran
Qalinkii A/Rahman Fidhinle UK Doorashooyinkii Somalilaan u qabsoomay 26 -kii Sanadood ee la soo dhaafay waa taariikh xusuusteeda leh oo diiwaanka gashay.
1- Doorashadii shirbeeleedka ee Boorama ka dhacday sanadkii
1993 waxaa is soo sharaxay Mahamed haji ibrahim
Cigaal, Abdirahman Aw Ali tuur ( AHN), Omar Carte Qaalib iyo Ahmed
Mohamed Halac. Waxaana madaxweyne loo doortay oo ku guuleystay marxuun
Mohamed haji Ibrahim Cigaal " AHN". Madaxweyne Cigaal wuxuu Somalilaan
kala dabaashay waqti aad u adag oo ahaa waqtigii ugu adkaa ee abid
Somalilaan soo mara xag colaadeed iyo xag dhaqaale xumo labadaba.
2- Doorashadii shirbeeleedka ee Hargeisa ka dhacday
1997 Waxaa is soo sharaxay; Mohamed Haji Ibrahim
cigaal, Mohamed hashi cilmi iyo Saleebaan Mohamoud Adan (salebaan gaal)
Waxaana goobtaa madaxweyne loogu doortay Mohamed Haji Ibrahim
Cigaal.(AHN) halkaas oo Madaxweyne Cigaal uu tiirarka dawladnimo u
taagay dawladnimada Somalilaan oo uu waqtigaa u sameeyey Dastuur, Xeerar
iyo xeegaano ku saleysan habka xisbiyada badan ee maanta dalka ka jira.
-Taariikhdu marka aheyd
31 May 2001 ayaa aftidii Dastuurka ee gooni isu taaga Somalilaan la qaaday, shacabka reer Somalilaan ayaa
97.1% waxay u codeeyeen in Somalilaan gooni isu
taagto oo xornimadeedii kala soo noqoto dawladii Somaliya si ay
Somalilaan u noqoto dal ka go'ay Somaaliya oo aan ka tirsaneyn Dawlada
Federaalka noqotay ee Somaaliya.
3-
15 kii December 2002 - Waxaa dhacday doorashadii ugu horeysay ee golayaasha degaanka oo ka tartamay
6 urur siyaasadeed, waxaana doorashadaa ku soo baxay sadex Xisbi qaran oo kala ahaa :
Udub, Ucid iyo Kulmiye.
4- Doorashadii
madaxtooyada ee dhacday
sanadkii 2003 taas oo aheyd doorashadii JSL ugu
horeysa ee ku dhacda hal qof iyo hal cod. Waxaana isa soo sharaxay Dahir
Riyale Kaahin, Faysal Ali Waraabe iyo Ahmed Mohamoud Siilaanyo,
Waxaana
80 cod
ku helay Daahir Riyale Kaahin. kadib markii ay kala heleen
42.90% Dahir Riyaale ,
42 .10 % Ahmed Mohamoud Siilaanyo iyo
15 % Faysal Ali Waraabe helay. Doorashadan waxaa
taariikhda loogu duugay in Ahmed Siilaanyo oo ay dabada ka wadaan
mucaaridkii abid ugu adkaa Somalilaan in uu Daahir Riyaale u tanaasulo
oo yidhaahdo kelmeda dhaxalka u gashay ee uu yidhi " Kursi Dhiig ku
daatay ku fadhiisan maayo
"
5- 29/9/ 20005 : Waxaa dhacday doorashadii Baarlamaanka waxaana u tartamay
246 musharax oo u tartamayey
82 kursi ku waas oo ka kala sharaxnaa
6-da Gobol ee Darajada
A ah. Musharaxiintaasi waxay ka kala socdeen
3-da Xisbi qaran waxaana ay kuraasta u kala heleen sidan: Udub =
33 Xildhibaan. Ucid =
21 xildhibaan. Kulmiye =
28 xildhibaan.
6- Doorashadii
madaxtooyada ee dalka ka dhacday
2010 oo aheyd doorasho hal cod iyo hal qof ah,
Waxaa tartamay Daahir Riyale Kahin, Ahmed Siilaanyo iyo Faysal ali Waraabe; Waxaana boqolkiiba
49.50 % ku guuleystay Ahmed mohamoud Siilaanyo. Dahir Riyaale wuxuu helay
33.23 %. Faysal Ali Waraabe wuxuu helay
17.18 % .
7-
15/11/2012 - Waxaa dhacday Doorashadii 2-aad ee Goleyaasha degaanka ee Somalilaan: Waxaa tartamay
7 urur Siyaasadeed oo kala ahaa
Rays, Ummada, Xaqsoor,
Dalsan, Wadani, Ucid iyo Kulmiye.Waxaa ka qayb galay
2368 musharax oo u tartamay
379 kursi. waxaana ku soo baxay sadexda xisbi qaran ee
Wadani, Ucid iyo
Kulmiye.
8- Doorashada
madaxtooyada ee dhacaday
13/11/17 waxaa tartamay Faysal Ali Waraabe,
Abdirahman Mohamed Ciro iyo Muse Biixi Abdi waxaana ay guushu raacday
Muse biixi Abdi oo ku helay cod aqbaliyad ah oo
55.1% ah, Abdirahman Ciro wuxuu helay
40.73%, Faysal Ali Waraabe wuxuu helay sidii caadada u aheyd tirada ugu yar codadka oo ah
4.17% , ka dib markii laga dhawaajiyey in
doorashadaas ay ku gedaamnaayeen mugdi iyo mad-madow fara badani, ayaa
Abdirahman Ciro laga guntay odhaahda ah " umaan tanaasulin Muse Biixi
Abdi ee dalkeygu damacayga ku burburimaayo dhiigna ugu daadan maayo"
9- Waxaa maanta fadeexad qaawan ku ah
Dimuqraadiyadii curdinka aheyd ee Somaalilaan ku taameysay mudada dheer
iyada oo sadexdii Gole doorasho uu waqtigoodii iyo maandheytkoodiiba uu
dhamaaday oo ay mudo kordhin kuraasta ku fadhiyaan: Golaha Baarlamaanka
Somalilaan waxaa la doortay
28/9/2005 si ay
5 sanadood oo keliya kuraasta ugu fadhiyaan waxaana ay mudo dhaafeen
8 sanadood iyo badh.Golaha Guurtida Soomalilaan waxaa la doortay
1997 si ay kuraasta ugu fadhiyaan
6 sandood oo keliya waxaana ay mudo dhaafeen
21 sanadood
oo dhaxaltooyo ayey kuraastoodu iyaga noqotay. Golaha Degaanka Somalilaan waxaa la doortay
Nofember
2012 si ay kuraasta ugu fadhiyaan
5 sanadood oo keliya waxaana ay mudo dhaafeen
2 sandood, ku waas oo maanta kuraasta ugu fadhiya sife qayrul sharci ah.
Hadaba Su'aasha qarnigu waxay tahay Doorasho ma ku dhacaysaa sanadkan
2019 hadii ay dhacdana ma ku dhacaysaa mudada loo asteeyey ee sanadkan oo ah
13/12/2019 ? Jawaabtu waa Maya ! Waayo - Waxaa Caqliga Saliimka ahi ku siinayaa in aanay marna Doorasho ku dhacayn
13-ka maalmood ee u dhaxeeya mudada Komishinka Doorashooyinka xilkoodu ku dhamaanayo oo ah
29/11/2019 iyo mudada loo asteeyey in Doorashadu qabsoonto oo ah
13/12/2019, Sidaa daraadeed waxaa Xukuumada looga
fadhiyaa in ay iswaafajiso Caqiidadeeda Siyaasadeed iyo
dhaqanka Dimuqraadiyada Doorashooyinka Somalilaan, si ay doorashada
waqtigeeda ugu qabato Waana in xukuumadu xalisaa xurgufta siyaasadeed
ee u dhaxaysa iyada iyo Xisbiga mucaaridka ah ee Wadani .
Alleh ayaa Mahad Leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...