Ingiriisku Wuxuu Aqoonsan Yahay Muhiimadda Xasiloonida iyo Nabadgelyadda Somaliland

0
Thursday January 19, 2023 - 10:58:25 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1891
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ingiriisku Wuxuu Aqoonsan Yahay Muhiimadda Xasiloonida iyo Nabadgelyadda Somaliland

    Mr. Andrew Mitchell Wasiiru-dawlaha Ingiriiska ee Afrika

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mr. Andrew Mitchell Wasiiru-dawlaha Ingiriiska ee Afrika



Wasiiru-dawlaha Iskaashiga Caalamiga ah iyo Afrika ee dawladda Ingiriiska Mr. Andrew Mitchell ayaa sheegay in dawladda Ingiriisku ay aqoonsan tahay muhiimada xasiloonida iyo nabadgelyada  Somaliland iyo gobolkaba.


Mr. Mitchell oo ka jawaabayey su’aal lagu weydiiyey fadhigii baarlamaanka Ingiriiska ee shalay oo la xidhiidha xaalada Laascaanod ayaa sheegay inay si joogto ah ula shaqeyaan saaxiibada caalamiga ah, UN iyo dawladda Somaliland si aanu u taageerno dedaalada xasilinta.



"Waxaan sii wadeynaa in aan si dhow ula socono xaaladda, waxaana ku dhiirinaynaa dhammaan dhinacyada in ay xaaladda dejiyaan, lagana fogaado in dhibaato kale ay dhacdo, si nabad ahna lagu xalliyo arrinta” ayuu yidhi Wasiiru-dawlaha Iskaashiga Caalamiga ah iyo Afrika ee dawladda Ingiriiska Mr. Andrew Mitchell .

Loading...
Loading...