Xildhibaan Sheegay In Muuse Biixi Weerar Ku Hayo Beesha Habarjeclo
Hargaysa (HWN)
xildhibaan Mustafe Kheyreeye, oo Golaha Wakiillada Somaliland ka tirsan ayaa
sheegay in Xukuumada Muuse Biixi ay weerar ku hayso beesha uu ka soo jeedo
xildhibaanku ee Habarjeclo.
Sidoo kale waxa uu
xildhibaanku intaasi kudaray in uu dulmi yahay xadhig Xukuumada Muuse kula
kacday Col. Maxamed Cali Yuusuf Cartan oo ka soo jeeda Beesha Habarjeclo kana tirsan
ciidamada Sirdoonka Somaliland.
Xildhibaanka ayaa
qoraal uu kaga hadlay arimahaasi oo uu baahiyay uqornaa sidan:-
"Ama Ummad baynu
noqon Sharciga ixtiraamta ama hoosaasada
ayaynu ka bixi oo Rag ayaynu Noqon.
Qaranka Somaliland wax
lagu ciyaaro ma aha, Muuse Biixi iyo Xukumada uu hogaaminaayo,ficiladan ay
wadaan wax la eegan karo maaha, waa Boob,adyad iyo edeb daro nooc ay tahayba.
Nin ayaa laga hayay
hal-hayskan "walaal-kaa oo dhintayna wax loo faano maahaa naagtaasina waxay
samaynaysaa wax loo adkaysto maaha”.
Madaxweyne Muuse Biixi
iyo Xukumadiisu waxay samaynayaan wax loo dul qaadan karo maaha, wax la sii
eegan karana maaha.
Madaxweyne Muuse Biixi,
mudadii uu xukunka hayay, waxa uu dagaal iyo weerar badheedha ku qaaday ilaa
imikana ku hayaa, Beesha Bariga Burco hadii aan si kale u idhaahdo Beesha Habar
Jeclo, Bilowgiiba markii uu xukunka la wareegay waxa uu bartilmaameed ka
dhigtay Siyaasiyiintii,Ganacsatadii,saraakiishii iyo shaqaalihii Beesha, isaga
Madaxweynuhu ilaa imika mar qudha aan ka nasan.
Maaha mid qoraal lagu
soo koobi karo, dhibaatada iyo hagar-daamada Beesha ay ku hayaan Madaxweyne
Muuse Biixi iyo Xukumadiisu, mana aha wax loo siman yahay ee waa mid gaar u ah
Beesha Bariga Burco.
Xishoodka iyo Aamuska ay sameeyeen wax
garadka,Siyaasiyiinta iyo qaybaha bulshada ee Beeshu ayaa keenay in Madaxweyne
Muuse Biixi uu sii wado bartilmaameedkiisa ku waajahan Beesha Bariga Burco
Aan mid ku idhaahdo
Madaxweyne Muuse Biixi gabaygii Ibraahin Gadhle ee ahaa:-
"Waraaba ayaan yidhi
magacii inkaarnaa amiin baan kala baxay ee ha la i aamino” kadib maalintii
danbe ayaa waxaa dhacay in neefbaa dabeed la gawracay sii ilaalibaa lagu yidhi
muu si eegine wuu cunay neefkii inta uu cararay ayuu yidhi waxaad igu ogaataan
wixii aan ahaan jiray Muuse Biixi waxaanu leenahay waxaan kugu ogaanaynaa waxad
ahaan jirtay qofwalbana bulshadu ku ogtahay.
Hadii Deegaanka aan ka
soo jeedaa uu noqday xaabadii la shidanayay kolka colaada , ilaalinta
deganaanshaha,qaranimada iyo wada-jirka ummada ee aynu ku dhamaanayna karaamo
iyo sharaf na siin waayay oo Muuse kolba sida uu rabo uu noogu durduriyay.
Walaahi in aan la
aqbali karin,cidii waxaas yeeli lahayd daayoo cidii loola iman lahaa ma
nihin,Afkayga waan hayaa weli .
Waxa la yidhi Mayd
maxaa u dambeeyay iyo kaasa u dambeeyay.
Aad baan uga xumahay
wax la aqbali karana ma aha xadhiga iyo tacadiga gaadhay Col. Maxamed Cali
Yuusuf Cartan, oo ka mid ahaa Saraakiisha ugu aqoonta badan Ciidanka Sirdoonka
Qaranka, oo xadhig iyo xukun sharci daro ah ku dhacay, lagana qaaday Darajadii
Ciidanka ee uu mudada dheer ugu soo shaqaynaayay Dalkiisa.
Sidoo kale Saraakiisha
xidhan ee Deegaankayga ah ee bartilmaadeedka noqday waan ka xumahay waxa
haysta.
Kuwa Qaranka difaacaya
xaalad kasta, ama duulaan Qaranka lagu soo qaado u dhinta waa Deegaankayga,midh
midhkii Xafiisyada Joogayna waxay bartilmaameed u noqdeen kooxo Muuse Biixi ka
amar qaata iyo Caruurtiisa oo maalin walba eryanaya.
Saraakiishii
deegaankaygu waxay Bartilmaameed u noqdeen Xukumada Muuse, Saraakiishii Hay`ada
Sirdoonku waxay noqdeen wax la xidho,wax xilka laga qaado iyo wax la
maxkamadeeyo, intuba waa Deegaankayga, waxa waxaas samaynayaa waa Makas iyo wax
magarato, ay Muuse Biixi iyo Carruurtiisu ku shaqaysanayaan.
Waxaan leeyahay naga
war suga hadii aanu nahay Mudanayaashii aad doorateen ee 20-ka Mudane ahaa,Qarankiinana
u adeega inta aanu soo xaqiijinayno in lagu soo noqdo sharciga iyo kala
danbayntii dalka
Ugu dambayntii waxa aan
qoraalkayga ku soo gunaanadaya "ama ummad baynu noqon Sharciga ixtiraamta ama
hoosaasada ayaynu ka bixi, oo Rag, Rag ah baynu noqon” . ayuu yidhi Xildhibaan Mustafe kheyreeye