Wasiirkii Arimaha Gudaha Dalka Ukraine Oo Ku Dhintey Shil Diyaaradeed

0
Wednesday January 18, 2023 - 17:40:09 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 809
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirkii Arimaha Gudaha Dalka Ukraine Oo Ku Dhintey Shil Diyaaradeed

    "Waxayna intaa sii Raacisey warbixintu , inuu wasiirku ''helicopter'' ku dhaweyd meel waxyar u jirta Furinta hore ee dagaalka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxayna intaa sii Raacisey warbixintu , inuu wasiirku ''helicopter'' ku dhaweyd meel waxyar u jirta Furinta hore ee dagaalka"



 

Germany(HWN) Sidey Qoreyso saaka Warbaahinta Dalka Jarmalku, Waxa Shil-diyaaradeed oo Nooceeduyahay ''helicopter'ku Dhintey Wasiirkii Arimaha Gudaha Dalka Ukrain''Denys Monastyrskyj, Taasoo Lagu Soo waramayo in ay ku Soo dhacdey Meel u Dhaw Caasimada Dalkaas ee Kiev. Waxaana socota Baadhid Dhinac Walba Leh taaso oo lagu saleynayo in ay Diyaarada ku timid Cilad Farsamo iyo in lagu Sameeyey Maraamar ay ka Danbeyn Cadawga Dalkaasi, Waxaana Lagu guda Jiraa ilaa Hadda Baadhitaan ah  sidey ku Timid In ay diyaaradu Ha'liganto, Iyadoo ku soo dhacdey goob xaafad aheyd oo  u dhaweyd meel ay caruurtu wax ku Dhigtaan ayaa waxa lagu soo warmayaa in ay 25 qofi ay ku dhawacmeyn , Sidoo kalena  waxa ku dhintey mashaqadan Sadex caaruura oo meeshey ku soo dhacdey Ku Dhawaa.

 

Warkan oo aanu ka soo xiganey Tvga 1aad ee Dalka Jarmalka ''ARD'' Ayaa intaa warbixintiisa ku daraya, In Ay Dhimashadu Gaadheyso 16qof oo hadda la ogyahay kuwaas oo ay ku jiraan sagaal qof oo Wasiirka la saarnaa Diyaarada soo dhacdey,25 qofna ay ku dhaawacmeyn , kuwaas oo ay ku jiraan caruur badan, oo hada lagu daweynayo Cisbitaalka. hadey noqoto Dhaawaceyda soo gaadhey iyo Cilminafisi ahaanba.

 

Waxayna intaa sii Raacisey warbixintu , inuu wasiirku ''helicopter'' ku dhaweyd meel waxyar u jirta Furinta hore ee dagaalka, waxaana ilaa hadda la garan layahay sababta ay dhamaan  wasiirka iyo sagaal ka mida shaqaalihiisu ay diyaarada u wada saarneyn, inkastoo ay jirto baadhitaano , haddan waxay noqotay arin fajac ku keenta dunida maanta.

 

Waxaan isla maanta galinka danbe laga filayaa in Raysal Wasaaraha dalka ukraine u soo magacaabo wasaarada arimaha Gudaha wasiir cusub.

 

 

Guled Mahad

Hadhwanaagnews.com Germany


Loading...
Loading...