Gud. C/risaaq Khaliif Oo Kulan La Qaatay Ergayga Finland Uqaabilsan Geeska Afrika

0
Wednesday January 18, 2023 - 15:44:32 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1046
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gud. C/risaaq Khaliif Oo Kulan La Qaatay Ergayga Finland Uqaabilsan Geeska Afrika

    "Kulankan ayaa ku soo beegmaya xili Somaliland uu ka taaganyahay muran"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Kulankan ayaa ku soo beegmaya xili Somaliland uu ka taaganyahay muran"

Hargaysa (HWN) Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa kulan la yeeshay Ergayga gaar ah ee Dawladda Filand u qaabilsan Geeska Afrika Xil. Suldaan Siciid Axmed iyo Xubno la socday.


Kulankan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Ergaygan Filand ayaa waxa diirada lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka Somaliland oo muddo khilaaf ka taagna iyo weliba xaaladda gobolka Sool.



Kulankan ayaa ku soo beegmaya xili Somaliland uu ka taaganyahay muran salka ku haya arimaha doorashooyinka, taasi oo ilaa hada aan la shaacin labada doorasho ee lagu muran sanyahay tasoo horaynaysa.


Waxaana hada uraacay Muranka doorashada xaalada ka taagan magaalada Laascaanood taasi oo saamayn ku yeelatay diiwaangelinta ka socota dalka, maadaama wax diiwaangelin ahi aanay ka dhacay deegaano badan oo kamid ah Gobolka Sool.
Loading...
Loading...